Golaha Shacabka oo Ansixiyey Labo Hindise Sharciyeed oo Muhiim ah
Muqdisho – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey labo hindise sharciyeed oo muhiim ah, kaddib dood iyo cod-bixin ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.
Labada hindise sharciyeed ee la ansixiyey ayaa kala ah:
Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu hagayo baarista, qodista, maareynta iyo ka faa’iideysiga khayraadka macdanta dalka, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo in kheyraadkaasi uu dan u noqdo shacabka Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Saadaasha Cimilada, kaas oo ujeedkiisu yahay in la helo hay’ad qaran oo mas’uul ka noqota saadaalinta cimilada, digniinaha degdegga ah ee la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, iyo taageeridda qorsheynta horumarineed ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ansixinta labada sharci ay muhiim u tahay horumarinta dowladnimada, maareynta khayraadka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga saameynta isbeddelka cimilada.
Hindise-sharciyeedyadan ayaa haatan u gudbi doona Aqalka Sare, si ay u maraan habraaca dastuuriga ah ee sharci-dejinta.