U bood dhigaalka

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada: Qiimaynta Heerka Waxbarasho ee Dalkeenna

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada, oo dunida oo dhan laga xuso maanta oo ah 24ka Janaayo, waxay sannadkan ku soo aadaysaa xilli xasaasi ah. Halkudhigga caalamiga ah ee 2026 ee “Awoodda dhallinyarada ee iskaashiga dhismaha waxbarashada” (The power of youth in co-creating education), wuxuu sidaa farriin culus oo ah: in dhallinyarada aan loola dhaqmin kaliya sidii arday wax la barayo, balse loo arko saaxiibbo ka qeybqaata qaabaynta mustaqbalkooda aqooneed. Iyadoo dunidu ay ka walaacsan tahay 250 milyan oo carruur ah oo aan dugsiyo aadin Soomaaliya—iyada oo in ka badan 75% bulshadu ay tahay dhallinyaro—ayay maalintani u leedahay macno gaar ah.

Xaqiiqada Qaraar ee Tirada iyo Tayada

Marka la eego xaaladda dhabta ah ee gudaha, waxaa muuqda farqi weyn oo u dhexeeya hiigsiga caalamka iyo waaqica Soomaaliya. Warbixintii UNICEF ee 2024 waxay daaha ka qaadday in heerka isqorista dugsiyada hoose ee Soomaaliya uu taagan yahay kaliya 33.8%, taas oo macnaheedu yahay in inta badan carruurta da’da dugsiyDa gaaray ay weli dibedda ka joogaan fasallada. Saadaashu waxay muujinaysaa in inta u dhexaysa 3.6 ilaa 4.9 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka qatan yihiin waxbarashada. Dhibaatadan ma ahan mid la iska indhatiri karo; waa mid salka ku haysa saboolnimo baahsan oo gaartay 97% marka la eego carruurta, taas oo qoysas badan ka dhigtay inay awoodi waayaan bixinta kharashka waxbarashada.

Jawaabta Dawladda: Qorshaha ESSP iyo Dibuhabaynta Adeegyada Waxbarashada

Si wax looga qabto caqabadahan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ma aysan gacmaha laaban. Hirgelinta Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Waaxda Waxbarashada (ESSP 2022–2026) waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, taas oo la jaanqaadaysa Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP-9) iyo Sharciga Waxbarashada ee 2021. Qorshahani wuxuu mudnaanta siinayaa in la ballaariyo helitaanka waxbarashada (Access) iyo in la tayeeyo macallimiinta iyo manhajka. Waxaa intaas dheer, Dawladdu waxay xoogga saaraysaa Waxbarashada Farsamada iyo Xirfadaha (TVET), si ardayga Soomaaliyeed looga raro xafidista casharrada loona wareejiyo xirfado uu ku shaqaysan karo.

Iskuxirka Aqoonta iyo Dhaqaalaha

Caqabadda ugu weyn ee maanta
haysata dhallinyarada Soomaaliyeed waa shaqa-la’aanta oo lagu qiyaaso 67%. Tani waxay daliil u tahay in nidaamkii hore ee waxbarashadu uusan soo saari jirin xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa. Sida ay xustay UNSOM, fursad-la’aantu waa mid ka mid ah waxyaabaha dhallinyarada ku riixa tahriibka iyo xagjirnimada. Sidaas darteed, waxaa lagamamaarmaan ah in waxbarashada lagu saleeyo khayraadka dalka—sida beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta cagaaran—si loo yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno, loona dhiso dhaqaale ku filan oo ay hoggaaminayaan dhallinyaro aqoon iyo xirfad leh.

Gunaanad: Dhallinyaradu waa Xalka

Ugu danbayntii, 24ka Janaayo ma ahan oo kaliya maalin la xuso tirooyinka; waa maalin la qiro in xalka Soomaaliya uu ku jiro gacmaha dhallinyaradeeda. Sida uu qabo halkudhigga sannadkan, waa in dhallinyarada laga dhigaa “Wada-hawlgalayaal” (Co-creators) oo talo ku leh nooca waxbarasho ee ay helayaan. Haddii la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dawladda Federaalka ah, ganacsiyada gaarka ah iyo bahda waxbarashada, Soomaaliya waxay ka bixi kartaa mugdiga jahliga, waxayna u gudbi kartaa mustaqbal ifaya.