Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo beenisay warar laga baahiyay oo sheegayay in uu xiriir gaar ah uu dhexmaray Washington iyo Somaliland
Safaaradda dowladda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay xiriir istiraatiiji ah iyo aqoonsi gaar ah u fidisay maamulka Somaliland.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu caddeeyay in sawirrada iyo qoraallada wareegayay ee muujinayay maalgashi balaayiin doollar ah iyo aqoonsi diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo been abuur ah oo laga leeyahay ujeeddooyin gaar ah.
Safaaraddu waxay sumadda “FAKE NEWS” saartay sawirro lagu farsameeyay qaabka bayaanada rasmiga ah ee dowladda Mareykanka, waxayna dadweynaha uga digtay inay marin-habaabiyaan xogaha aan ka soo bixin mareegahooda rasmiga ah.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii lagu faafiyay baraha bulshada in Mareykanku uu xiriir ka madax-bannaan kan dowladda Federaalka Soomaaliya la yeelanayo maamulka Waqooyi Galbeed.