Dawlad goboleedka Waqooyi Bari oo amar culus dul dhigtay wadeyaasha gaadiidka iyo shirkadaha dhismaha
Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Waqooyi Bari, oo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyadda, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in laga bilaabo 1-da bisha Febraayo 2026 aan la oggolaan doonin baabuur aan haysan dhammaan dukumiintiyada sharci ee wadista gaadiidka inay ku dhex socdaan deegaannada Waqooyi Bari.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan uu daba socdo dadaallo lagu xoojinayo nidaamka gaadiidka, badqabka waddooyinka, iyo hirgelinta shuruucda dalka, iyadoo carrabka ku adkaysay in baabuur kasta uu qasab ku yahay inuu haysto buugga milkiyadda gaadhiga, summadda gaadhiga (taariko), warqadda waddo marista (road tax), iyo liisanka wadista gaadhiga.
Sida ay Wasaaraddu tilmaantay, wixii ka dambeeya taariikhdaas, gaari aan si buuxda u dhammaystirnayn sharciyadiisa iyo aqoonsigiisa looma oggolaan doono inuu ka shaqeeyo ama ku dhex socdo deegaannada Waqooyi Bari, waxaana darawalka lagu qabto isagoo aan wadan dukumiintiyada lagama maarmaanka ah laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka u yaalla dalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib u Dhiska ayaa dhinaca kale ku wargelisay dhammaan shirkadaha dhismaha ee ka hawlgala Waqooyi Bari inay si degdeg ah isugu diiwaangeliyaan hay’adaha ay khusayso, si waafaqsan nidaamka sharci ee dalka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo nidaam shaqo oo hufan iyo la socod buuxa oo ku saabsan gaadiidka iyo qalabka ay shirkaduhu adeegsadaan.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan gaadiidleyda, darawallada iyo shirkadaha kala duwan inay si buuxda ugu hoggaansamaan go’aankan cusub, isla markaana ay dhamaystiraan dukumiintiyadooda ka hor inta uusan dhaqangelin, si ay uga fogaadaan ganaaxyo iyo tallaabooyin sharci, loona sugo badqabka guud iyo nidaamka gaadiidka ee deegaannada Waqooyi Bari.