U bood dhigaalka

Golaha Shacabka ee Barlaamaanka JFS io Ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka ee Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 26 Janaayo, 2026 – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka ee Soomaaliya, kaas oo ujeeddadiisu tahay ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, sugidda nidaamyada macluumaadka, iyo koruqaadidda amniga qaranka ee dhanka saaybarka.

Sharcigan waxa uu dejinayaa hannaan iyo hab qaran oo lagu maareeyo amniga saaybarka, isaga oo qeexaya masuuliyadda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyo doorka farsamo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; waajibaadka hawlwadeennada kaabayaasha muhiimka ah, iyo nidaamka ka-hortagga, ka-warbixinta iyo ka-falcelinta khalkhalka amniga saaybarka, isla markaasna aasaasaya Xarunta Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ee SOMCIRT.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafe Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam qaran oo iskuduuban, laguna xoojinayo u diyaargarowga iyo ka falcelinta khataraha amniga dhijitaalka ah.

Dhankiisa, Wasiirudawlaha asaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye ayaa u mahadceliyay xildhibaannada Aqalka Hoose ee BJFS, sidoo kalana xusay in sharcigan uu yahay tiirdhexaad u yahay sugidda amniga qaranka ee dhinaca saaybarka, ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo waafajinta adeegyada saybarka ee Soomaaliya heerarka iyo habdhaqannada caalamiga ah ee amniga saaybarka.

Sharcigan waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta kalsoonida adeegyada dhijitaalka ah, taageeridda kobaca dhaqaalaha dhijitaalka, iyo adkaynta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dawladda , kuwa gaarka loo leeyahay iyo saaxiibbada caalamka.