Imaanshaha Axmed-Madoobe ee Muqdisho: Aqoonsi mise Tanaasul Siyaasadeed?
Imaanshaha Madaxweyne Axmed-Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ee magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo shirka wadatashiga siyaasadeed ee ay ku baaqday Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dhaliyay su’aalo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira in tallaabadan ay ka dhigan tahay aqoonsi rasmi ah oo Dawladda Federaalku siisay, ama in ay tahay tanaasul siyaasadeed oo cadaadis ku yimid natiijadiisu.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday gogol wadahadal siyaasadeed oo ay isugu yeertay hoggaamiyaasha mucaaradka iyo madaxda dawladgoboleedyada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubbaland.
Qabashada gogashan ayaa ka mid ahayd qodobbadii ka soo baxay shir dhowaan mucaaradku ku qabsadeen magaalada Kismaayo, waxaana aqbalay dhammaan dhinacyadii lagu casuumay.
Axmed-Madoobe ayaa ka mid ah madaxda la filayo in ay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho, inkastoo uu muddo ku dhow labo sano kaga maqan yahay Golaha Wadatashiga Qaran khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashadii uu Kismaayo ku qabsaday.
Khilaafkaas ayaa gaaray iska-hor-imaad ciidan oo ka dhacay degaannada Raaskambooni iyo gobolka Gedo, taas oo sii adkaysay isu-soo-dhowaanshaha labada dhinac.
Sidoo kale, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah u aqoonsan dib-u-isu-doorashadii uu Axmed-Madoobe ku soo baxay ee Jubbaland, sida uu dhowaan magaalada Laascaanood ka sheegay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Waxaa intaas dheer, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad sooqabsho ah u jartay Madaxweyne Axmed-Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: ka qeybgalkiisa shirka Muqdisho ma wuxuu la micno yahay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay aqoonsatay Axmed-Madoobe?
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in kasooqeybgalka shirka uusan si toos ah u ahayn aqoonsi sharci ama mid siyaasadeed, balse uu yahay tallaabo lagu muujinayo diyaar u ahaansho wadahadal, iyadoo laga duulayo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed.
Dhinaca kale, waxaa jira aragti kale oo tibaaxaysa in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wajahayso cadaadis gudaha kaga imaanaya iyo mid dibabeed, si loo mideeyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka, loona abuuro jawi wadashaqayneed oo lagu wajaho arrimaha doorashooyinka iyo amniga, maadaama xilli kalaguur ah dalku galayo.
Ilaa iyo hadda, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin in kaqeybgalkiisa shirka uu beddelayo mawqifkeedii hore ee ku aaddanaa u aqoonsiga Axmed-Madoobe Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo sidoo kale, maamulka Jubbaland uusan soo saarin war rasmi ah oo arrintan ku aaddan.Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha Axmed-Madoobe ee Muqdisho ayaa loo arkaa tijaabo siyaasadeed oo muujin doonta jihada cusub ee aadayo xiriirka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo maamulgoboleedyada dalka, gaar ahaan kuwii ay hore u kala irdhoobeen.