U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo Mar Kale Si Adag uga Soo Horjeesatay in Dhulkeeda Qasab lagu Keeno Dadka Falastiin

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale si xooggan uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin loogu soo raro waqooyiga Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid halis ah oo ka hor-imaanaysa shuruucda caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay Telefishinka Aljazeera, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan warar sheegaya in Israa’iil ay qorsheyneyso in dadka reer Falastiin ay u soo barakiciso waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo qorshe kasta oo dadka reer Falastiin loogu keenayo qeybo ka mid ah Soomaaliya, isagll sheegay in Soomaaliya ay mawqifkeeda arrintaas ku aaddan hore dunida ugu caddaysay.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in hadalka Netanyahu ee aqoonsiga lagu sheegay uusan waxba ka beddeli karin xaqiiqada jirta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso inay noqoto dal mideysan oo xasilloon, isla markaasna kaalin muuqata ka qaata difaaca caddaaladda, shuruucda caalamiga ah iyo xoojinta qarannimadeeda.