Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay Qodobbada looga Hadli Doono Shirka Wadatashiga ee Dhowaan Muqdisho ka Dhici Doona
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay qodobbada diiradda lagu saari doono Shirka Wadatashiga ee dhowaan Muqdisho ka furmi doona, ayadoo warsaxaafadeed ay Dawladdu soosaartay lagu yiri:
“Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka duulaysa talasoojeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 19kii Janaayo 2026 ku dhawaaqday in 1da Febraayo 2026 magaalada Muqdisho lagu qaban doono gogol wadahadal qaran, taas oo u dhexaysa Dawladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Iyadoo taas la tixraacayo, Guddiga Wasiirrada ee Wadahadallada Xukuumadda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27da Janaayo 2026 bilaabay wadatashiyada qeybaha bulshada iyo saamileyda siyaasadda, waxaana maanta qabsoomay wadatashiga kowaad oo ay ka soo qeybgaleen Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka iyo Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed.
Qodobbada wadatashiyada diiradda lagu saaray ayaa kala ah:
- Wadajirka iyo Midnimada Qaranka
- Amniga iyo Ladagaallanka Khawaarijta
- Dhammaystirka Dastuurka
- Doorashooyinka
- Xaaladda Abaaraha
Guddiga wasiirradu waxa ay ka mahadcelinayaan wadatashiga maanta ay la yeesheen qeybaha bulshada. Waxa kale oo ay ka mahadcelinayaan aragtiyaha iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay la wadaageen.”