Xukuumadda Cirro oo Cabburin Xooggan ku haysa Culimada iyo Sheekh Mustafe oo Arrintaas Dhibbane u Noqday
Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ayaa wajahaysa eedaymo isa soo taraya oo la xiriira cabburin siyaasadeed iyo mid fikir oo lagu hayo culimada, waxgaradka, aqoonyahannada iyo muwaadiniinta ka soo horjeeda aqoonsigii sharcidarrada ahaa ee ay Israa’iil sheegtay inay siisay waqooyiga Soomaaliya.
Eedaymahan ayaa soo xoogaystay tan iyo markii Ra’iisulwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu hadal muran dhaliyay ku sheegay in Israa’iil ay dal ahaan u aqoonsatay waqooyiga Soomaaliya, hadalkan ayaana waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaar ka mid ah culimada iyo waxgaradka degaannadaas.
Dadka ka hadlay arrintan midkoodna si cad ugama soo horjeesan jiritaanka maamulka iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, balse waxay bulshada u caddeeyeen in Israa’iil ay tahay maamul halis ah oo diin ahaan iyo degaan ahaanba dunida Islaamka dhib ku haya.
Waxa ay caddeeyeen waxa ay diintu ka qabto in la jeclaado Yuhuudda ama walaalo lagu tilmaamo, arrintaas ayaana keentay in culimada lagu shaabadeeyo kuwo ka soo horjeeda hormar iyo guul siyaasadeed oo maamulkaasi gaaray.
Xukuumadda Cirro ayaa tallaabooyin adag xabsiga dhigtay qaar ka mid ah culimadii, iyo waxgaradkii arrintaas ka hadlay, iyadoo bulshada loogu sheegay inay yihiin shakhsiyaad jiritaanka iyo horumarka u diiddan.
Wararka ayaa tilmaamaya in warbaahinta qaarkeed loo adeegsaday olole lagu doonayo in bulshada lagu qanciyo in Israa’iil tahay walaal u hiiliyay waqti adag, isla markaana la dardargelinayo qorshayaal lagu doonayo isdhexgal bulsho, dhaqan iyo iskaashi dhan walba leh oo dhex mara maamulka Cirro iyo Israa’iil.
Qof kasta oo aan taageerin jihadaas ama muujinaya mowqif ka duwan midka Xukuumadda ayaa lagu shaabadaynayaa inuu yahay qof ka soo horjeeda jiritaanka maamulka iyo rabitaanka dadka degaanka.
Mid ka mid ah arrimaha sida gaar ah u kiciyay dareenka bulshada ayaa ah xaaladda Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, oo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida, kaas oo dhibbane u noqday arrintan.
Sheekha ayaa haatan wajahaya aflagaaddo ballaaran oo uga imaanaysa siyaasiyiin, dad baraha bulshada ku firfircoon iyo dhallinyaro caadifadaysan, iyadoo loo haysto khudbad uu dhowaan kaga hadlay xasuuqa ay Israa’iil ka waddo dhulka Falastiin.
Qaar ka mid ah dadka weerarka ku ah Sheekh Mustafa ayaa ku tilmaamay xagjir ka soo horjeeda jiritaanka maamulka Cirro, halka kuwo kalana ay si cad u dalbadeen in tallaabo sharci ah laga qaado oo xitaa la xiro.
Dhanka cabburinta arrintu waxa ay taagantahay mid la mid ah xaaladdii lagu jiray xilligii ay soo baxday oraahdii ahayd: “ama Afweyne ammaan, ama Afgooye aad, haddii kale aamus.”
Isbeddelka muuqda ee hadda jira ayaa dad badan ku tilmaameen mid si weyn uga fog sawirkii hore ee maamulka oo ay astaan u ahaayeen nabad iyo dimuqraadiyad, iyadoo haatan xitaa ka hadalka Israa’iil haddii uusan ahayn mid bogaadin ah uu ku filan yahay in lagugu shaabadeeyo “cadow” ama “xagjir”.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in xaaladdan ay muujinayso in arrintu aysan ku koobnayn dano siyaasadeed oo keliya, balse ay gaartay heer ay xorriyaddii hadalka iyo kaladuwanaanshaha aragtidu noqdeen denbi la ciqaabo, iyadoo xitaa dhaliisha Israa’iil la isku bartilmaameedsanayo.