Muxuu yahay Weerarka lagu Qaaday Xildhibaanad Ilhaan Cumar?
Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in weerar khalkhalgelin ah lagu qaaday goob ay kulan dadweyne uga qeybgalaysa xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Maraykanka.
Nin ayaa rabshad ka abuuray kulan dadweyne oo ay qabanaysay xildhibaanaddu, kaddib markii uu ku sayriyay dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan wanaagsanayn.
Kulanka dadweyne ayaa ka dhacayay Minneapolis Talaadadii, xilli ay canbaaraynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Maraykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.
Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere uu gacanta ku watay.
Ninka weerarka geystay oo aan ilaa hadda faahfaahin laga bixin ayaa waxaa gacanta ku dhigay kale oo isla goobta ku sugnaa, kaas oo dhulka ku tuuray, kana hor istaagay inuu qaado tillaabo kale.
Ilhaan Cumar ayaa dhawr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.
Xildhibaanad Ilhaan Cumar waxay si weyn isku hayaan Madaxweyne Donald Trump oo dhawr ugu hanjabay tarxiil iyo tillaabo kale oo adag, balse ilaa hadda lama oga in weerarku uu arrintaas xiriir la leeyahay iyo in kale.