U bood dhigaalka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRKA WASIIRRADA MAALIYADDA GEESKA AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horraysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, isdhaafsiga waaya-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wadashaqaynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.