Xukuumadda Soomaaliya war ka soo saartay qabsoomidda Shirka Wadatashiga DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhankeeda diyaar u tahay in shirka wadatashiga siyaasadeed ee Dawladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu xilligiisii kuu dhaco, iyadoo sheegtay in aan wax dibudhac ahi ku imaan u diyaargowga shirkaas.
Warsaxaafadeed ay soosaartay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu yiri:
“Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo ka duulaysa mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka, wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaan wadatashi ku dhisan, waxay mar kale adkaynaysaa in gogosha wadahadallada u dhexeeya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsantahay.
Guddiga Farsamada ee Dawladda Federaalka ah waxa uu sameeyay gogolxaar ballaaran, wuxuu wadatashiyo la yeeshay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kulamo dhawr ahna la galay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo aan isla meeldhignay dhammaan habraacyadii farsamo ee uu shirka ku qabsoomi lahaa.
Waxaase nasiibdarro ah dhacdadii dhacday 1dii Febraayo 2026 iyo dibudhicii ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka.
Dawladda Federaalka ah waxay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in dhammaan arrimaha jira lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo ixtiraam ku dhisan danta guud, lana tixgalinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo la dagaalanka argaggixisada ee dalka, waxay si xushmad iyo kalsooni leh ugu baaqaysa dhammaan xubnaha ay khusayso in ay ka wada qayb-qaataan geeddisocodka wadahadallada, si loo xoojiyo nabadda, wadajirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Waxaan rejaynaynaa in shirkan uu noqdo mid miradhal ah, dhinacyaduna niyadwanaag ku wajahaan”.