U bood dhigaalka

MAXAA XAL WAARA LOOGU HELI LA’YAHAY AANOOYINKA QABIIL EE SOOMAALIYA KA TAAGAN?

Hordhac

Sannadkii tagay ee 2025 iyo sannadihii ka horreeyay meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaa ka taagnaa aanooyin qabiil kuwaas oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay. Sida uu Raadiyaha Ergo qorayo, billawgii sanadka 2025 waxaa xaafadda Ceejiye ee ku taalla Shabeellada Dhexe waxaa ka qaxay qoysas beeraley iyo xooladhaqato iskugu jirta oo kor u dhaafaya 400 sababo la xariira aano qabiil. Sida hay´adda Reliefweb ay ku warbixinayso, 250,000 oo qof ayaa barakacay aanooyin qabiil oo dhacay dartood intii u dhaxeysay bisha Janaayo sanadkii 2024 illaa bisha Febraayo 2025, wax ka badan 600 oo qofna waa ku dhinteen. Tirada iska-hor-imaadyada beelaha waxay ka korartay 90 sannadkii 2023 oo waxay gaareen 168 dagaal sannadkii 2024, gaar ahaan gobollada Gedo, Jubbada Hoose, iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo tabashooyin taariikhi soojireen ah, tartan kheyraad, iyo loollanka siyaasadeed ay sii hurinayaan rabshadahaan. 

Dhanka kale, bartamaha Soomaaliya ayaa iyaguna qeyb ka ah meelaha laga soo wariyay dhacdooyin murugsan oo ay sababeen aanooyinka qabiil. Bishii Oktoobar ee 2025 waxay Soomaali badan ka naxeen dhacdadii ka dhacday degaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maleeshiyo beeleed hubaysan ay nafta ku dhaafiyeen hooyo iyo saddexdeeda gabdhood. Waxaa, dhanka kale, xusid mudan in aano qabiil ee ka taagnayd degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Dhexe ay sababtay in nolosha lagu gubo nin waalnaa. Arrintan qariibka ahna waxay qeyb ka ahayd dhacdooyinka murugsan ee laga diiwaangaliyay aanooyinka qabiil ee Soomaaliya ka taagan. 

Qeybaha hoose ee maqaalka waxaan kaga hadli doonnaa sababta xal waara loogu heli la’yahay iyo sida ay ahaayeen anooyinka qabiileed innaggoo ka eegayna waqtiyadii kala duwanaa ee nolosha Soomaalida.

Raacatadii Hore Soomalida iyo Aanooyinka Qabiil

Si loo fahmo aanooyinka qabiil ee Soomaaliya, waxaa muhiim ah in wax laga fahmo raacatadii hore ee Soomaalida iyo qaabdhismeedkoodii nololeed ee baaddiyaha ka jirtay. Soomaalidii hore ee miyiga degganaa, waxay u deganaayeen si reero ah oo tolba kan ku dhow ayay isu weheshan jireen. Qaabdhismeedkooda sidaas ah ayay misana ku kala filiqsanaayeen degaanno kala duwan. Dhulka ay degganyihiin waxa uu ahaa dhul oomane ah oo ay daaqa iyo biyuhuba ku yar yihiin. Noloshoodu waxay ku xirnayd dhaqashada xoolaha ee geela iyo arigu ay ugu horreeyaan. 

Raacatadaas xooladhaqatada ahi inay noloshoodu barwaaqo noqoto ama noqoto mid abaaraysan, waxay ku xiran tahay afarta xilli ee sanadka ee kala ah: deyr, jiilaal, xagaa iyo gu’. Kaliya aayaha nololeed kuma xirna afartaa xilliyood e, sidoo kale waxay go’aamisaa habdhaqankooda iyo dabeecaddooda. Tusaale, xilliyada guga ee dhulka roobsaday oo daaqa iyo biyuhu meel walbo yaallaan, qofka raacatada ahi waa mid deggan oo noloshiisu waxay ku suntan tahay barwaaqo iyo nabad. Guurguurid badan ma jirto iyo dhul la soo sahmiyo maadaamaa uu reerku barwaaqaysan yahay oo dhaqanyahay. Jiilaalku waa xilli abaar darani ay jirto maadaama dhulku biyo gurayo oo daaq iyo biyo helistoodu ay  adagtahay. 

Xilligan raacatada Soomaaliga ahi waxay uga dhigantahay waqti ku astaysan musiibo iyo guurguur badan, maadaamaa uu baadka iyo biyuhuba aysan jirayn waqtigaan. Si uu isu bixiyo qofka xoolaraacatada ah, wuxuu ku qasban yahay inuu dhul kale soo sahmiyo oo ka barwaaqaysan degaanka saldhigga u ah. Ilaa uu ka helo dhul nimco ceegaagto oo reerka uu dajin karo, sidaas ayuu u sahminayaa dhul daaqsin leh. Nafsadda qofka xoolaraacatada ahi xilligani waa mid aan xasilloonayn. Raacatadu noloshooda miyiga ah sidaas ayay u aalli jirtay, oo dagaalka iyo colaadda reeraha ka dhex dhalata inta badan waxay salka ku heysaa daaq, biyo iyo dhul. 

Dagaallada reeraha qabiileed u dhexeeyaa wuxuu salka ku hayaa loollanka kheyraadka kala duwan ee nolosha qofka miyiga ku nool muhiimka u ah. Waxyaabaha sababi jiray colaadahana waa biyo yaraanta, dhul daaqsinta iyo in la isku qabsado cidda dhulkaan iska leh oo dagaysa. Waxyaabaha kale ee dhimbisha colaadeed hurin jiray waxa ka mid ah xoolaha geelaha ah ee la kala dhici jiray. Nolosha miyiga markii la joogo, qofka xoolaha reerka kale soo dhacaa waxaa loo arki jiray nin rag ah oo geesi geesi dhalay ah. Maadaama uusan jirin sharci dawladeed iyo nidaam adag oo kala danbayn leh, in xoolaha la iska kala dhaco waxay ahayd arrin fudud oo markii la rabo lagu kaco. 

Wejiga Cusub ee Aanada Qabiil iyo Billawgii Dawladnimada Soomaaliya

Soomaalidu markii ay dhabbaha dawladnimada cagta la heshay, waxaa isbaddel badan ku yimid habnololeedkii baaddiyaha ka jiray iyo si guud ba nolosha Soomaalida kale. Dadkii miyiga ku dhaqnaa waxay u soo rati rarteen magaalada maadaama uu waa´ cusub u beryay. Waxay sidoo kale magaalkii u soo rareen qabyaaladdii baaddiyaha ee abaartu ku dillootay. Nidaamkii dawladnimada ee markaas curdinka ahaana waxaa lagu salleeyay dhaqankii geeljirnimada ahaa ee nolosha baaddiyaha ka jiray, oo dawladnimadii markaa la yabyabayay ayaa lagu astaameeyay hal Maandeeq la yiraahdo. Arrintani waxay sababtay in dawladdii loo arko xoolo reer uu leeyahay oo xero ugu oodan, waxay na baddashay daaqii iyo biyaha ee qabiillada kale duwan isku dagaalli jireen. Caqliyadda sameysantay ayaa ahayd in dawladnimadii Soomaalidu u aragto hal geel ah oo reer meel u taal, aysan caqligal ahayn inuu reer kale la wadaago oo ay caanaha ka maashaan. Tanina waxay keentay in reer kastaba uu dawladda u arko hanti iyo xoolo uu isagu leeyahay. Hashii Maandeeq ahayd Soomaalida waa u qeybsami wayday, waxayna keentay in qabiillo aanan dawladda booskoodii ka helin ay dagaal iyo qas abuuraan. Dawladnimaduna waxay qayb ka noqotay waxyaabaha ay qabiilladu isku collaystaan oo aanooyinka qabiil ay inta badan ka dhashaan. 

Haddii shalay baaddiyaha duurkiisa la isku ceyrsanayay iyadoo xoolo ama dhul daaq iyo biyo leh la isku heystay, maanta waxaa la isku heystaa aaway kursiga uu reerkeennu dawladda ku lahaa. Aafadan Soomaalida ku habsatay waxay aad u sii xidideysatay jeerkii ay dawladdii kacaamiga ahayd talada dalka gacanta ku dhigtay, oo dawladnimadii qabyaaladeysay. Askartii dalka maamulaysay waxay sii xoojiyeen qabyaaladdii, iyagoo si caadi ah u dhaqangaliyay nidaamkii geeljirnimada ee duurka baaddiyaha ka jiray ee dhaca iyo boobku astaanta u ahayd. Waxay keeneen inay qolana aysan qayb ku yeelan hay´adihii dawladda oo laga qadiyo, halka reero qaar ahna ay waxay doonaan helayeen. 

Taasi  waxay keentay in xukuumaddaas si adag looga soo horjeesto, maadaama oo lagu qanci waayay sidii ay wax u maamulaysay, dalkana uu ka dillaacay cudurkii dagaallada sokeeye ee weliba aafeeyay habsamisocodkii dawladnimada. Kooxihii jabhadaha ahaa, iyana, waxay qeyb weyn ka qaateen inay cirka isku sii shareeraan aanooyinka qabiil maadaama ay si gaar ah u beegsanayeen reero ay si gaar ah isku hayeen. Markii dawladdii la riday waxay fursad ka dhex arkeen nidaam-la’aantii dalka ka dhacday, taas na waxay fududaysay in qofkii qof ama qabiil ciil iyo caro u qabay, uu qoriga u qaato si uu uga aarsado. Sidoo kale, waxaa dadka laga dhacayay hantidooda nuuca ay doontaba ha noqotee. Rajiimkii kacaanka ee dalka ka talinayay muddada 20ka sano iyo kooxihii jabhadaha ahaa ee ka danbeeyay waxay geysteen falal aano ah, oo ay ku bartilmaamaydsanayaan qabiillo gaar ah, waxayna qeyb ka noqotay arrintan waxyaabaha sii kala fogeeyay bulshada Soomaalida ah ee wada degta. 

Boogaha Aanada oo Aan la Dawayn

Waxyaabaha sii hurinaya dhimbisha colaadeed ee qabiillada walaalaha ah, waxaa ugu weyn, tabashooyinka iyo dhaawacyada colaadaha ka dhasha dagaalladii ahliga ahaa ee Soomaalida ka dhex dhacay, welina ka jira. Arrintani waxay sii hurinaysaa colaadda ka dhexaysa qabiillada Soomaalida maadaama cuqdad la isku qaadayo. Dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxaa xadgudubyo loo geystay dad Soomaaliyeed oo qabiillo gaar ah ka tirsan, wali na lama xalin dhibaatadii maalinkaas dhacday. Carruur iyo cirroolaba waxay ku baxeen gacmihihii dagaal-oogayaasha ka dhex dagaallamayay magaalooyinka.  Xamar iyo magaalo kastaba waxay u kala xirneyd qabiillo isku heysta anigaa dalka ka talinaya iyo ka talin maysid. Qabqablayaashii xasuuqyadii la ogaa Xamar ka geystay cid maxkamad ku soo saartay ama ku eedaysay xadgudubyadii ay geysteen ma jirto. 

Xeerka iyo sharcigu wuxuu kala xadeeyaa bulshooyinka wada deggan, la’aantiisa waxay ka dhigan tahay in qabiilba qabiilka kale ee uu colaadda u hayo, in uu seefta ka aslo. Tabashooyinkaas aan waxba laga qaban inta is uruursadaan ayay cirka isku sii shareeri doonaan, waxay na kicinaysaa foolkaano ay cid kastaba ku gubanayso. Reeraha Soomaalida ah markii ay colaad soo kala dhexgasho, waxaa inta badan garta gali jiray oo arrimaha la isku heysto kala xallin jiray nabadoonnada iyo ugaasyada, waliba si lillahi ah oo aan laqdabo ku jirin ayay xalka u goyn jireen. Arrintani waxay kaalin lixaad leh ka qaadatay dadaallada lagu doonayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qabiillada. Sida uu hoggaanku faasid u noqday oo musuqa u barteen ayay nabadoonnadiina isku baddeleen, oo waxay noqdeen kuwo bariiskooda ka dhacsada dagaallada iyo colaadaha u dhaxeeya qabiillada. Inuu dil iyo dagaal dhaco waxay ka dhex arkeen dantooda oo waxay billaabeen in diyada iyo magta la kala qaadanayo uun kaliya ay eegtaan. Tani waxay keentay inaysan xallinta colaadaha aysan si dhab ah u galin maadaama dagaalkaas iyo colaadahaas ba ay faa’iido dhaqaale ka helayaan. Arrintani waxay sababtay uun inay colaaduha sii socdaan. 

Cabdiraxmaan X. Daahir

Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.