Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Kulan looga Hadlayay Bilicda Caasimadda
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta biymareennada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibudhiska iyo Guriyaynta XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo xeel-dheerayaal ka socda mashruucda NAGAAD , taasi oo ku saabsan farsamada iyo qorshaha guud ee biyamareenka, naqshadda, baaxadda iyo marxaladaha hirgelinta.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sharaxay in lagu guuleystay furitaanka dhuumihii hore ee biyo-mareenada ee xirmay, balse loo baahanyahay in la dhiso kuwo cusub iyo goobo waara, si looga hortago fatahaadaha markasta dhaca ee dhibaatada naf iyo maalba leh.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigay maalgelinta dhaqaale ee loo qorsheeyay, kaalinta looga baahanyahay in dowladda Soomaaliyeed buuxiso iyo heerka kaalmadda Bangiga Adduunka (World Bank) uu ku leeyahay hawshan baaxadda leh, oo ka socota magaalooyin kala duwan oo dalka ah.
Wasaaradaha kala ah: Dhaqaalaha Buluugga ah, Duulista iyo Gaadiidka Hawada, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo door ku leh hawshan ayaa soojeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha qaran ee socda saamayntooda iyo sida la isu waafajin karo.
Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in loo baahanyahay dib-u-soo celinta billicda caasimadda iyada oo dib loo furayo biyamareennadii hore ee xirmay si loo helo tuubooyin biyaha qaada oo tayo leh, isaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga hawlgalaan hirgelinta mashuurcan oo muhiimad weyn u leh caasimadda.
Mashruuca biyamareennada caasimadda oo leh ahmiyad Qaran ayaa si toos ah u taabanaya badqabka, nadaafadda iyo horumarka guud ee caasimadda, maadaama uu door weyn ka qaadanayo ka hortagga fatahaadaha, yaraynta cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, ilaalinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mashruucan uu noqdo mid la taaban karo oo guuleysta loona hirgaliyo sida ugu wanaagsan si magaalada Muqdisho u noqoto caasimad u diyaarsan maalgashi.