U bood dhigaalka

BILICDA MUQDISHO: WAA SIDEE NADAAFADDA CAASIMADDU?

Marka laga hadlayo bilicda magaalo kasta, waxaa laga eegaa sida ay u nadiifsan tahay, u cagaaran tahay, una iftiimayso. Haddiise magaaladu dhirta ka arradan tahay oo aysan helin nadiifin joogto ah—isla markaasna habeenkii mugdi awgiis madowdahay—waxaa hubaal ah in ay gelgelin iyo xero geel u ekaanayso. Haddaba, aan isdultaagno dhawr qodob oo muujinaya heerka bilicda ee magaalada Muqdisho.

Nadaafadda

Nadaafaddu waa iimaanka barkiis. Xadiiskii saxiixa ahaa ee abuu Hureyra, Alle ha ka raallinoqdee, uu ka wariyay Nabigeenna (NNKH), ayaa ahaa: “Imaanku waa dhawr iyo toddobaatan laamood, ama dhawr lixdan, waxa ugu sarraysa rumaynta Ilaahay, waxaana ugu hoosaysa jidka oo wixii dhibaato ah laga qaado.” Sidaas oo ay tahay, si aan ganbasho lahayn ayaan mar kasta ugu shubnaa qashinka jidadka, si gaar ah goobaha dadweynuhu sida joogtada ah ugu kulmaan, sida maqaayadaha, goobaha gaadiidka dadweyne laga raaco iyo suuqyada. Tani waxa muujinaysaa in badan oo naga mid ah aan laga haynin xitaa qeybta ugu hoosaya ee iimaanka. Xilli-roobaadka, jidadka oo aan biyamareen lahayn waxa ay keeneen in ay samaysmaan biyafariisino xanniba isusocodka dadka, sidoo kalana sababi kara cudurrada ka dhasha biyaha iyo wasakhda.

Dawladda Hoose ee Xamar, oo leh doorka nadaafadda ayaa nadiifisa jidadka hoose ee caasimadda, halka bartamaha iyo daafaha ma ay ka jirto nadaafaddarro baahsan. Magaalada waxaa loo  nadiifiya hab dunida goor hore ka gudubtay oo ah in qof gacanta ku xaaro. Maxaa hortaagan in ay soo iibsato gawaarida casriga ee agu nadiifiyo magaalooyinka, kaas oo waqti kooban ku hagaajin kara magaalada? Sidoo kale, waxaa xusid mudan in aysan lahayn magaalada haamanka qashinka keydiya, kuwaas oo lagu sii ururiyo qashinka, ka hor inta aan goob loo cayimay la geynin.

Sawirka sare waa suuqa Xareed oo ka tirsan suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn guud ahaan dhulka ay Somaalidu degto, ahna meesha canshuurta ugu badan ka soo xarooto. Sida aad arki kartaan labo khalad ayaa ka muuqda. Khaladka kowaadi waa mid dhinaca dawladda ka imanaya, oo haddii ay biyamareen awoodi waysay waxa ay ahayd in ay booyado ku daabusho uskagga tirada badan ee ka dhashay roobabkii gu’ga. Khaladka labaadna waa mid dadweynuhu dhinacooda ka geystaan, oo marka biyaha laga yimaado, qashinka xaddhaafka ah ee qariyay biyaha waxaa ku shubay dad u badan ganacsatada suuqa. Iyada oo aan ognahay waddada oo qashinka laga qaado in ay tahay meesha ugu hooseysa ee iimaanka, bal kawaran haddii aan ku shubayno?!                                                            

Dhiraynta

Dhirtu waa u mihiim nolosha aadamiga. U fiirso: cuntada, dawada, hoyga, dharka iyo neefta aan qaadanno oo dhan waxa aan ka helnaa dhirta. Sida ay nolosha udubdhexaad ugu tahay ayay bilicda magaaladana kaalin mug leh ugu jirtaa. Degannaan nafeed iyo mid maskaxeed, udgoon iyo hargal ayaan ka helnaa. Magaalooyinka dunida ayaa ku tartama maanta, Singapore ayaana isugu yeertay in ay tahay magaaladii cagaarnayd—heer ay daaraha dushooda ku talaashay dhir iyo doog ilqabad leh.

Geedaha jidadka magaalada ku yaalla waa kuwa Xukuumaddii Kacaanku beertay, ka dib markii ay hirgelisay qorshe u dhignaa in guri kasta geed lagu hor abuuro. Waxaa kale oo dhiraynta magaalada gacan ka geystay dadyow farakutiris ah oo si isxilqaan ah ugu abuuray wajahadda guryahooda geedo teelteel ah.  

Geedaha ayaa markii hore qurux loo beeri jiray, laakiin hadda waxaa aad loo fahmay muhiimadda ay u leeyihiin degaanka iyo bedqabka dadka. Dunida maanta isbeddelka cimilada ayaa ku haya dhibaato farp ba’an, mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsanna waa in dhirayn qorshaysan loo sameeyo magaalooyinka, si looga hortago kulka isa soo taraya ee dunida iyo nabaadguurka degaanka. Marka la go’aansado in dhireayn la sameeyo waa in aad looga fiirsado nooca geedaha la beerayo iyo halka lagu beerayaba. Sababtoo ah, geedaha qaar ayaa caleemo badan daadiya oo wasakhowga degaanka ka qeybqaata, qaar ayaa bulshada dhibaato ku ah sida geedka loo yaqaan garanwaaga ama geedyahuudka.

Iftiinka

Habeenka waxa uu uga shar badan yahay maalinta waa mugdiga, waxa ku soo ganbada mid walba oo dadka dhibaateeya. Dunidu wakhti xaadinkan waa ka gudubtay mugdi, waana isku mid habeenka iyo maalintu. Guri walba qofka deggan ayaa afaafkiisa iftiinsaday, inta kale ee soo hartayna dawladda ayaa isku hawshay. Iftiinka waxa uu kaalin mug leh ka qaataa amniga, isusocodka bulshada, sara-u-kaca ganacsiga iyo bilicda magaalooyinka.

Haddaba, magaalada Muqdisho soolarradii ama nalalkii cadceeddada ku shaqaynayay ee la xiray 10 sano ka hor, waxa ay noqdeen kuwo ay qeybina cilladowday, qeybi ay tuugo furatay, halka qeyb kalana ay gawaari jiirtay. Jidadka magaaladu habeenkii waa gudcur maararuugle ah. Jidadkii waaweynaa ee halbowlayaasha magaalada ahaa iyo kuwii farasmagaallaha caasimadda marayay ayaa mugdi iyo madow la tiicaya, u fiirso Jidka Wadnaha, Jidka Soddonka, Jidka Warshadaha iyo kuwa la midka ah.

Gabagadii, qormadani inta ay dhaliilsheegid tahay ee ayay sixidna tahay. Sidaas darteed, Dawladda Hoose ee Xamar waa in ay qaadataa kaalinteeda iftiiminta jidadka caasimadda, xaafadahana ay iskaashi la samayso shirkadaha korontada bixiya. Waa in ay nadaafadda iyo bedqabka degaanka xil weyn iska saartaa, oo labajibbaartaa dadaalka nadiifinta caasimadda dalka galinayso—sababtoo ah, caasimaddu waa wejigii dalka oo dhan!

Ciise Cabdi

Qore daraaseeya culuunta dhaqaalaha, waxna ka qora dhaqanka, dhaqaalaha, iyo dawladnimda, si gaar ah dhisidda hay'ado dawladeed oo daahfuran, kana hufan eex, musuq iyo caddaaladdarro.