U bood dhigaalka

DFS oo Sharci-darro ku Tilmaantay Maamulka Imaaraadka ee Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqif adag oo ku aaddan kheyraadka dalka, ayada oo sheegtay in ay tahay hay’adda kaliya ee mas’uulka ka ah go’aan ka gaarista hantida qaranka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-Jazeera ku caddeeyay in heshiisyada shirkadaha Imaaraadka Carabtu ay gacanta ku hayaan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo aan ansaxayn.

Wasiirka ayaa sababta ku macneeyay in heshiisyadaas lagu galay fasax la’aan dowladda dhexe, isagoo xasuusiyay in dekedahan ay yihiin hanti Soomaaliyeed oo la dhisay xilligii dowladdii dhexe ee lixdameeyadii iyo toddobaatamaadkii.

​Isagoo sii hadlayay, Cali Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalku ay tahay tan matalaysa shacabka Soomaaliyeed marka ay timaaddo gorgortanka kheyraadka lala gelayo dalalka shisheeye.

Si loo caddeeyo xaaladda sharciyeed ee heshiisyadaas, dowladda ayaa qorsheynaysa in ay arrintan u gudbiso khubarro dhinaca sharciga ah si loo qaado tallaabooyinka ku habboon.

Hadalkan ayaa u muuqda mid dhabaha u xaaraya loolan sharci oo caalami ah oo ka dhasha maamulka dekedaha dalka ee hadda ay gacanta ku hayaan shirkadaha laga leeyahay Imaaraadka Carabta.