U bood dhigaalka

NIDAAMKA SHAQAALAYSIINTA EE SOOMAALIYA: YAAD TAQAAN MISE MAXAAD TAQAAN?

Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku shaqo leh shaqaalaysiinta, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo kaydinta xogta shaqaalaha si uu u mutaysto ganaax ama dallacsiin. Sidaas oo ay tahay, misana, nidaamka shaqaalaysiinta ee dawladda waa mid ay dhaliillo badani dul hoganayaan oo shacabku tabashooyin faro badan ka qabaan, gaar ahaan dhallinyarada oo wax ku waayay tacliintii ay jaamacadaha ka soo barteen. Si aad dawladda uga heshid shaqo, qofka aad taqaanno ayaa ka muhiimsan waxa aad taqaanno. Immisa qof ayaa xiriir la lahaan kara wasiir, xildhibaan, agaasime iwm, si ay dawladda shaqo uga helaan? Maxa hortaagan in shaqooyinka dadweynaha ee ay dawladdu garsooraha ka tahay qeybintoodu, si daahfuran loogu tartamo? Miyuu fuli doonaa ballanqaadkii Ra’iisulwasaaraha JFS, Xamse Cabdi Barre, ee ku aadanaa in 2026 shaqooyinka dawladda loo tartami doono?

Hannaanka gurracan ee shaqaalaysiinta ee wejigarashada ku dhisani wuxuu abuuray dhaqamo silloon oo horseeday in la caadiyaysto. Haddaba, aan si kooban isu dultaagno dhaqamadaas laga dhaxlay habka shaqasiinta ee aan ku dhisnayn doorsoocnimo (meritocracy).

DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLAY NIDAAMKA SHAQAALAYSIINTA EE KU DHISAN: ‘YAAD TAQAAN?’

  1. Guulwadayn

Waxaa godgalay aragtidii xorka ahayd. Qofku waxa uu ku qasban yahay in uu taageero u muujiyo mas’uulka ka caawiyay in uu helo shaqadan—ama uu u raxleeyo maamulka markaas jooga, si uu booska uu u garbinta ku helay loogu haayo. Halkaas kuma dhammaan xaajo, ee si aad uga gudubto meesha aad joogtid ama aad u dallacdid, mar kale waa in aad dib u baadi goobtaa qof ku riixa, si uu kaala shaqeeyo arrintaas, taas oo muujinaysa in aysan jirin qiimayn sax ah oo ku salaysan waxqabad, habboonaan, aqoon iyo hufnaan shaqo.

  • Waxqabadyari

Arrintan waxaa sabab u ah shaqada oo qofka ay u baahnayd aan lagu meelaynin. Shaqadu waxa ay u baahantahay qof si wanaagsan u qaban kara, aqoonteedana leh. Hasayeeshee, aalaaba waxaa shaqooyinka loo dhiibaa qof garabraaricin gaar ah ku yimid. Taas ayaana keentay shaqaxumo joogto ah. Goobaha lagu bixiyo adeegyada dawliga ah ayaad ka garan kartaa oo ka markhaatikici kara. Sidoo kale, waxaa jira shaqaalo shaqasugayaal ah oo la qaatay, iyaga oo aan wax baahi ah, haba yaraatee, loo qabin; iyo kuwa xafiisyada dheeri ku ah oo aan loo heyn wax ay qabtaan iyo, xitaa goob ay ku hawlgalaan!

  • Tacaddi

Dhallinyarada shaqadoonka ah ayaa kala kulma tacaddiyo kala duwan madaxda ay shaqada ka rabaan, gaar ahaan haweenka oo arrintaas si gaar ugu nugul. Ballan-ka-bax, meermeerin, iyo in ay ugu danbayn ka jartaan wadaxiriirka ayaa ugu yar tacaddiyada ay dhallinyaradu kala kulmaan madaxda ay shaqasiinta bidaan. Tacaddigas waxaa baday nidaamkan ku dhisan ninjeclaysiga, xaglin iyo xigtaysi. Waxyaabahaas oo la isugeeyay ayaa ku sababa dhallinyarada qaarkood in waddanka ka tahriiban oo badaha ku dhammaadaan; balwado yeeshaan oo nolosha ka dhacaan; xagjiroobaan oo figraha aafaysan u nuglaadaan.

  • Kalsoonidii Shacabka oo Luntay

Bulshada ayaa ka rejadhigay in ay si qumman oo eex-la’aan ah ku helaan shaqo(oyin). Waxaa dhacda marka hay’adaha dawladda qaarkood ay soo bandhigan boos shaqo oo bannaan, in ay dadku uga falceliyaan hadallo muujinaya niyadjab, quus iyo isdhiibid, sida: “booskan qofkii looga baahnaa, mar hore ayaad qaadateen ee ummadda ha daalinina!” In shacabku dawladdooda ka aaminbaxaan, rumaystaan in aysan u caddaaladfali karin waa boog ku taal dawladnimadeenna iyo shuruucda baaliyowday ee dalkeenna.

GUNNAANAD

Arrimaha noocan oo kale ah, waxaa ay sii kala fogeeyaan shacabka iyo dawladda. Sidoo kale, waxay dibudhigayaan dadaalladii dawladdhiska iyo hannaankii caddaaladeed ee ay ahayd in uu bulshada u dhexeeyo. Wax walba oo dhib ku ah bulshada oo uu nidaamkan ugu horreeyana waa in meesha laga saaro. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ka warsugaysaa go’aankii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, in uu fulo iyo in kale.  Haddii uu dhaqangalo, waxaa meesha ka bixi doona dhammaan caqabadaha aan kor ku soo sheegnay, waana tallaabo dhanka wanaagga dawladnimo loo qaaday.

Ciise Cabdi

Qore daraaseeya culuunta dhaqaalaha, waxna ka qora dhaqanka, dhaqaalaha, iyo dawladnimda, si gaar ah dhisidda hay'ado dawladeed oo daahfuran, kana hufan eex, musuq iyo caddaaladdarro.