U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 5 Qof oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka Dhacay Jidka Xiriiriya Jigjiga iyo Qabribayax

Shan qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo aad u naxdin badani uu maanta ka dhacay jidka iskuxira magaalooyinka Jigjiga iyo Qabribayax.

Shilkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka Xoodhkay ayaa la sheegay inuu ka dhashay iskudhac gaadiid, inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee sababta shilka ay weli socdaan baaritaanno lagu ogaanayo.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta shilka ayaa sheegaya in ay jiraan dad dhaawac ah oo xaaladdoodu kala duwan tahay, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad.

Sawirro goobta shilka laga soo qaaday ayaa muujinaya gaari rakaab ah oo uu burbur xooggani soo gaaray iyo gaadiid kale oo meesha ku sugan.

Shilalka baabuurta ayaa ka mid ah musiibooyinka ugu khasaaraha badan ee ka dhaca degaannada Soomaalida, iyadoo sababta loo aaneeyo burburka waddooyinka iyo wadayaasha oo xawaare sare ku kaxeeya gaadiidka.