Xiisadda u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo mar kale cirka isku sii shareertay
Xiisadda u dhexeysa dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib is-dhaafsi hadallo kulul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo isa soo tarayay bilihii u dambeeyay.
Khilaafkan oo ku saleysan taariikh, juqraafi iyo dano istaraatiiji ah ayaa laga cabsi qabaa inuu isku badelo gacan ka hadal, ayadoo labada dhinac ay maalmihii la soo dhaafay isku jeedinayeen eedeymo kul kulul.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gideon Timotheos, ayaa si cad uga dalbaday dowladda Eritrea inay kala baxdo ciidamadeeda dhulka Itoobiya, isla markaana ay joojiso waxa uu ku tilmaamay taageerada ay siiso kooxo hubeysan ee gobolka Tigray.
Baaqan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadallada hanjabaadda iyo digniinta ah ee ay is-weydaarsanayaan Addis Ababa iyo Asmara oo muddo dheer ay cadaawadi ka dhexeysay.
Khilaafka u dhexeeya labada dal ayaa leh aragti ka ballaaran muran siyaasadeed oo kaliya, waxaana saldhig u ah loollan ku saabsan xuduudaha iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ayaa muddo dheer ku doodayay baahida ay u qabto marin toos ah oo ay ku gaarto badda, ayadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu arrintan ku tilmaamay qadiyad jiritaan iyo xaq taariikhi ah oo aan laga laaban karin.
Hadallo ay jeediyeen siyaasiyiin Itoobiyaan ah ayaa xusay suurtagalnimada in Itoobiya ay xoog kula wareegto dekedda Assab ee koonfurta Eritrea, taas oo ay Asmara u aragto is ballaarin iyo gardarro toos ah, isla markaana dib u soo nooleynaya xusuusta dagaalladii dhiigga badani ku daatay ee hore u dhex maray labada dal.
Dhinaca kale, muranka xuduudaha iyo eedeymaha la xiriira tahriibinta hubka iyo taageeridda kooxaha hubeysan ayaa noqday furin kale oo khilaafka sii hurinaya.
Addis Ababa waxay Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo gooni-u-goosad ah, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Tigray iyo Amxaarada, halka Eritrea ay si adag u beenisay eedeymahaas, kuna tilmaantay marmarsiiyo lagu doonayo cadaadis ciidan iyo qorshe lagu weerarayo dekedda Casab.
Tan iyo sannadkii 2025, labada dal ayaa waday uruurin ciidan oo ka socota xuduudaha ay wadaagaan, Inkastoo aan weli isku dhac dagaal oo toos ah xaaladdu gaarin, haddana hadallada siyaasadeed ee sii kululaanaya ayaa gobolka geliyay jawi u eg u diyaargarow dagaal.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa in ka badan 4 mar dagaal toos ah isku fara saaray taniyo sanadkii 1993-kii, xilligaas oo ay labo dal kala noqdeen, waxaa’se xusid mudan ka sokow dhimasho tira-beel ah iyo xaalad bini’aadantinimo aan labada dhinac midna guul wax ku ool ah ka gaarin colaadihii hore.