Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Joojiyay Lacag xoog ah oo Shacabka dhoofaya looga qaadayay Garoonka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ballaaran ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhowaaqay go’aan taariikhi ah oo lagu fududeynayo adeegga muwaadiniinta dhoofaya.
Mudane Xamsa ayaa si rasmi ah u joojiyay lacag dhan 30 doollar oo ay Wasaaradda Caafimaadku ka qaadi jirtay dadka shacabka ah ee dhoofaya, taas oo lagu sheegay khidmadda buugga caafimaadka balse lagu tilmaamay mid aan sharci ahayn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in laga bilaabo maanta aan wax lacag ah looga qaadi karin muwaadiniinta gudaha garoonka dhexdiisa, isagoo caddeeyay in baaritaannada caafimaadka iyo habraacyada buugga lagu soo dhameysan doono xarumaha caafimaadka ee banaanka garoonka, marka uu qofku yimaadana uu buugga horay ka qaadan doono isagoon wax lacag ah bixin.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si toos ah u dhageystay cabashooyinka dadka rakaabka ah ee safafka ugu jiray adeegyada garoonka, isagoo carrabka ku adkeeyay inaysan xukuumaddiisu aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato ama cabasho kala kulmaan xarumaha dowladda.
Waxa uu faray hay’adaha amniga, socdaalka, iyo caafimaadka inay labanlaabaan dadaalkooda oo ay mudnaanta koowaad siiyaan daryeelka iyo fududeynta adeegga dadka nugul ee xaaladaha gaarka ah qaba.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ballan-qaaday in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata falal wax u dhimaya sumcadda garoonka iyo adeegga bulshada.