U bood dhigaalka

Taariikhda Ciidanka Badda Soomaaliyeed

Ciidanka badda Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldagay sanadkii 61-aad ee aas-aaskooda, ayadoo masuuliyiinta dawladdu ay hambalyo u direen ciidanka iyo qoysaskooda.

Maanta oo kale  sanadkii 1965-tii, waxay ahayd markii sida rasmiga ah loo aasaasay ciidanka badda Soomaaliyeed, inkastoo waaya-jooggu ay tilmaamaan in ciidanka baddu uu jiray 15 sano ka hor xilligaas.

Ciidanka badda waxaa markii ugu horeysay  la aasaasay 1950-kii, iyagoo ka mid ahaa  ciidamo uu Talyaaniga ka aasaasay koofurta dalka markii uu dalka dib ugu soo laabtay, waxaana lagu bilaabay 40 askari oo la dhihi jiray kooxdii ciidanka badda, shaqadooduna ahayd maamulka dekedaha.

Ciidamada Badda, waxaa ay ka qeyb galeen dagaalkii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya 1964-tii, waxaana Ciidanka la geeyay Doolow, si ay Webiga ugu gudbiyaan saadka iyo askarta haddii loo baahdo, ayadoo loo yaqaanay kooxda badda ee koofurta Soomaaliya.

1963-dii Waxaa safar Ruushka ku tegey ra’isul wasaarihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Taliyihii Ciidanka qalabka sida General  Da’ud, heshiisyo badan oo dalka Ruushka ay la galeen waxaa ka mid ahaa in maraakiib la siiyo ciidanka badda Soomaaliyeed.

December 1964-tii ayaa ciidanka badda si rasmi ah loo hoos-geeyay wasaaradda gashaandhigga, xilligaas tiradoodu waxaa ay ahaayeen 40 askari oo isugu jiray saraakiil, saraakiil xigeen, dabley iyo 3 Taliye oo kala ahaa: Khalif Macow Xasan,  Xalane iyo Jeilaani.

Ciidanka badda waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka xoogga wuxuu ka kooban yahay 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.

February 10, 1965: Maraakiibtii uu ballan-qaaday Ruushka waxaa ay dekedda Berbera soo gaareen February 10, 1965-tii, waxaana la wareegay saraakiisha ciidanka badda oo si rasmi ah uga tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo maalintaas loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wixii maalintaa ka dambeeyana sanad weliba maalintaas ayaa loo dabaal-degaa xuska ciidanka badda Soomaaliyeed.

Ciidamadeena badda waxaa tababar, hub iyo saanad siin jiray dalka Ruushka, 6 markab ayey noqdeen muddo sanad ka yar, ciidanka waxaay  isugu jireen difaaca xeebaha, baro ilaalo xeebaha ku tixan iyo ciidamo dhulka ku dagaalama.

1977: Markii uu dhacayey dagaalkii xoreynta Soomaali galbeed, ciidanka badda waxaa uu lahaa 20 markab, 10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berriga ka dagaalama, 15 bar oo xeebaha ku tixan, Iskuul ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo ku yaalay magaalada Baraawe iyo 3 Iskuul oo farsamo, kuwaas oo ku kala yaalay Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera…illaa markii dambe ay isku dhaceen Soomaaliya iyo Ruushka, markaae ka dib waxaa hoos u dhacay awooddii ciidanka badda.

Taliyeyaashii soo maray Ciidanka xoogga dalka wixii ka horeeyay 1991: 1950-1965: Waxaa Taliye u ahaa ciidanka badda Khalif Macow,  waxaa xigay Col Cali Xaashi Barre, waxaa 3-aad noqday Gaashaanle Maxamuud Geelle Yusuf, waxaa 4-aad ahaa G.sare Maxamud Cumar Cismaan, 5-aad waxaa noqday Admiral Faarax Qare, 6-aad waxaa mar labaad noqday Admiral Maxamud Cumar Cismaan iyo ugu dambeyntii Adimiral Saciid Mariir illaa dowladda ay ka burburto 1991-dii.

1991: Burburkii ka dib, Maraakiibtii sawaariiqda qaadda waxaa ay ahaayeen labo markab, waxaa loo qaaday Cadan 1989-kii si midabka looga bedelo, laakiin dalka wuxuu galay dagaaladii sokeeye.

Markabtii ugu weynaa ee askarta lagu qaadi jiray waxaa ugu war dambeysay Mombasa halka maraakiibtii kale ee ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada Kismaayo, laguna furfurtay.

Ciidamada badda ee hadda jira waxaa ay heystaan Doomo, laakiin weli waxay ku jiraan marxalad dib u kabasho ah, waxaana ay sameeyaan sahan, waxaa uu dagaal ka geli karaa meelaha dhow, dekedaha ayuu  illaalin karaa, waxaa kale uu  ilaaliyaa biyaha qaranka ee Muqdisho iyo magaalooyinka  waaweyn u dhaw, balse weli awooddiisu ma gaarsiisna ilaalinta xeebta dalka oo dhan