U bood dhigaalka

Booliska Somaliland oo Lagu Eedeeyay Tacaddi Ka Dhan ah Qoysas Suuriyaan iyo Yemeniyiin Isugu Jira

Booliska Soomaaliland ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xariira tacaddi iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kadib markii muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ay muujinayeen askar boolis ah oo si arxan-darro ah ula dhaqmaya qoysas qaxooti ah oo isugu jira dad u dhashay dalalka Suuriya iyo Yemen.

Muuqaalladaasi, oo ay duubeen dad goob-joogayaal ah, ayaa si cad u muujinaya ciidamo boolis ah oo adeegsanaya awood xad-dhaaf ah, iyaga oo garaacaya xubno ka tirsan qoysaskan, kuwaas oo ay ku jiraan dad waayeello ah.

Falalkan ayaa si weyn u kiciyay dareenka bulshada, gaar ahaan isticmaaleyaasha baraha bulshada, kuwaas oo si adag u cambaareeyay dhacdada, kuna tilmaamay mid ka baxsan hab-dhaqanka bini’aadannimada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qoysaskan ajaanibta ah ay ku sugnaayeen deegaanno ka tirsan Somaliland, gaar ahaan  magaalada Hargeysa, balse Booliska  Soomaaliland ayaa sheegay in nin kamid ah ay Maxkamadi warqad soo qabasho ah horay ugu jartay.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay aad uga xun yihiin qaabka ay wax u dhaceen intii u socday wax ay ku tilmaameen hawlgal soo qabasho ah, iyaga oo xusay in tallaabo degdeg ah laga qaadayo askartii ku lugta lahayd falkaas, isla markaana baaritaan dheeraad ah lagu samayn doono tacaddiyadaas.