BURBURINTA XUDUUDIHII GUMAYSIGA: DANTA AFRIKA IYO MIDNIMADA UMMADDA SOOMAALIYEED
WQ: Muxyadiin Xuseen Ciid
Hordhac
Afrika waa qaarad ay gumaysigii reer Yurub u sameeyeen xuduudo aan ku dhisnayn taariikh, dhaqan, qowmiyad, luqad ama rabitaanka bulshooyinka degganaa. Xuduudahaas, oo si qasab ah loogu kala jaray ummadihii Afrika, ayaa noqday saldhigga khilaafaad joogto ah, dagaallo sokeeye, kalaqeybsanaan bulsho, iyo dibudhac siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 1964kii, Ururkii Midnimada Afrika (OAU) wuxuu qaatay go’aan lagu ilaalinayo xuduudihii gumaysiga, si looga hortago dagaallo cusub oo qaaradda ka dillaaca.
Go’aankaas, inkastoo uu lahaa ujeeddo xasillooni-raadis ah, haddana wuxuu sharciyeeyay khalad gumaysi, wuxuuna adkeeyay dhaawacii taariikheed ee lagu sameeyay bulshooyin badan, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya iyo Marooko ay si cad u diideen oo weligoodna aysan saxiixin heshiiskaas, iyagoo ku dooday in xuduudaha gumaysigu yihiin kuwo sharcidarro ah, kana hor imanaya xaqa aaya-ka-tashiga ummadaha.
Xuduudaha Gumaysiga iyo Sharciyadooda Afrika
Qaraarkii OAU ee 1964 (AHG/Res. 16) wuxuu ku salaysnaa mabda’a caalamiga ah ee Uti Possidetis Juris, kaas oo dhigayay in dowlad kastaa ay ixtiraamto xuduudihii ay heshay maalintii ay xornimada qaadatay. Ujeeddadu waxay ahayd in laga hortago dagaallo dhuleed. Hasayeeshee, sharcigan wuxuu noqday mid ka hor imanayay caddaaladda, taariikhda, xaqa bulshooyinka, iyo midnimada ummadaha la kala jaray.
Soomaaliya waxay si cad u diidday mabda’aas, maadaama xuduudihii gumaysigu ay kala qeybiyeen ummad hal qaran, hal luqad, hal diin, iyo hal dhaqan lahayd, una kala qeybiyeen shan qeybood oo kala hoos galay shan calan oo shisheeye. Taasina waxay si toos ah uga hor imaanaysay mabda’a aaya-ka-tashiga ummadaha, oo Qaramada Midoobay si cad u aqoonsan tahay.
Dhibaatadii Xuduudaha Gumaysiga ku Reebay Ummadda Soomaaliyeed
Xuduudihii gumaysigu dhigay ayaa ku sababay dhibaatooyin qotadheer oo weli saamaynteedii muuqato bulshada Soomaaliyeed, tani ma ahan mid indhaha laga qarsan karo, waana mid ilaa iyo maanta dhaawacyadeedii muuqadaan, sida:
- Kalaqeybsanaan Qaran: Dhul iyo bulsho Soomaaliyeed ayaa ku hoos jirta dalal kale, sida Itoobiya iyo Kenya.
- Dagaallo iyo Khilaafaad: Dagaalkii 1964, dagaalkii 1977, iyo iska-horimaadyada joogtada ah ayaa dhammaantood salka ku haya xuduudaha gumaysiga.
- Muwaadiniin Derajo Labaad ah: Malaayiin Soomaali ah ayaa ku nool dhulkoodii oo la hoos geeyay waddan labaad iyagoo ah muwaadiniinta derajada labaad (second-class citizens), xuquuqdoodana aan si buuxda loo tixgelin.
- Dhaawac Bulsho iyo Nafsaani ah: Qoysas la kala jaray, dhul la kala xayiray, iyo dhaqan la kala fogeeyay.
- Xuduudahaas ma ahayn kuwo dabiici ah, mana ahayn kuwo ay ummaddu dooratay, balse waxay ahaayeen khadad ay qalin ku jeexeen quwadihii gumaysiga.
Doodda Aqoonsiga iyo Khatarta Gumaysi Cusub
Marka la eego gefkii Natanyaahu, oo Maxkamadda Adduunku ay ku xukuntay in uu galay xasuuq, hadalkii uu ku sheegay “wax baan ku aqoonsaday”, waxa ay muujinaysaa in uu la mid yahay midkii Berlin (1884–1885) lagu qabtay ee qaatay 104 maalmood, kaas oo hore loogu kalaqeybshay shanta gobol, kaasoo ku dhisnaa sharcidarro, kana turjumayay mabaadi’dii gumaysiga ee dhaca iyo gumaysiga ku salaysnaa. Haddab, haddii maanta la yiraahdo “wax ha la aqoonsado,” midka mudan aqoonsiga waa burburinta khaladkii gumaysiga, ee ma aha sii adkayntiisa. Aqoonsiga saxda ahi waa in la tirtiro xuduudihii gumaysiga, lana soo celiyo xuduudihii ka horreeyay gumaysiga, kuwaas oo ku dhisnaa wadanoolaansho, dhaqan, iyo taariikh midaysan.
In maanta nabar hore loogu daro nabar cusub, iyadoo la sheegayo in qeyb ka mid ah Soomaaliya la aqoonsanayo, waa denbi sharci iyo mid akhlaaqeed. Waxayna ka dhigan tahay:
- In la sharciyeeyo kalaqeybsanaantii gumaysiga.
- In la sii kala fogeeyo ummadda Soomaaliyeed oo hore u dhaawacnayd.
- In albaab loo furo gumaysi cusub oo dhaqaale (kheyraadka dabiiciga) iyo mid istaraatiiji (Badda Cas ah).
Ma aha wax qarsoon in waqooyiga Soomaaliya uu hodan ku yahay kheyraad dabiici ah, isla markaana uu ku yaallo goob istaraatiiji ah oo u dhow Badda Cas iyo marinada ganacsiga caalamiga ah. Doodda aqoonsiga maanta socota ma aha mid ku dhisan dan bulsho ama xaq ummadeed, balse waxaa hoos ka socda dano la xiriira:
- Ka faa’iidaysiga kheyraadka cayriin.
- Xakameynta marinbiyoodka istaraatiijiga ah.
- Gelinta Soomaaliya gumaysi cusub oo casri ah, inkastoo uu magac kale wato.
Gunaanad
Soomaaliya weligeed ma saxiixin heshiiskii Afrika ee ilaalinta xuduudihii gumaysiga, sida Marooko oo kale, sababtoo ah waxay aaminsanayd in caddaaladda taariikhiga ahi ka horrayso xasillooni been ah. Maanta, haddii dunidu rabto inay saxdo khaladaadkii hore, waa in:
- La baabi’iyo xuduudihii gumaysiga.
- La aqoonsado midnimada ummaddaha la kala jaray.
- La diido aqoonsi kasta oo sii xoojinaya kalaqeybsanaan iyo gumaysi cusub.
Aqoonsiga dhabta ah ee mudan maanta waa aqoonsiga xaqa ummadaha Afrika ee la dulmay, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed, si mar kale ula midoobaan gobalada ka maqan soomaalida kale ee la kala qeybshay.
Taasi waa caddaalad, waana sharci. Waa danta Afrika iyo tan Soomaalidaba.