Raadiyaha Soomaaliya: Warbaahin Taariikhi ah oo sii Dabargo’aysa Xilli Baraha Bulshadu la Wareegeen Kaalintiisii
Waxaa dunida laga xusayaa Maalinta Raadiyaha Adduunka oo ku beeggan 13ka bisha Febraayo, haddaba waa sidee xaalka Raadiyaasha Soomaaliya ee xilligani?
Raadiyaha oo muddo dheer ahaa halka keliya ee ay Soomaalidu ka heli jirtay xogaha, wararka iyo wacyigelinta bulshada, ayaa maanta wajahaya hoosudhac isa soo taraya, ka dib markii ay si xawli ah u soo baxeen baraha bulshada iyo warbaahinta ku tiirsan Internedku.
Isbeddelkan ayaa si gaar ah uga muuqda magaalooyinka waaweyn, halkaas oo wararka lagu wadaago daqiiqado gudahood, balse weli ka reebaya bulshooyin badan oo aan helin adeegyada casriga ah.
Muddo tobannaan sano ah, raadiyuhu wuxuu ahaa lafdhabarta isgaarsiinta dalka, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee colaadaha, abaaraha iyo burburka dawladnimo, waxa uuna kaalin muhiim ah ka ciyaaray wacyigelinta reermiyiga, iskudubbaridka gurmadka abaaraha, gudbinta wararka rasmiga ah, iyo lasocodka arrimaha amniga iyo la-dagaallanka al-Shabaab.
Bulshooyinka ku nool miyiga fogfog, oo aan badankoodu haysan Internet, taleefanno casri ah ama koronto joogto ah, ayaa weli raadiyaha u arka aalad lama huraan ah oo ay kula socan karaan dunida inteeda kale.
Hoosudhaca maanta muuqda ayaa imanaya xilli dunida laga xusayo Maalinta Raadiyaha Adduunka, oo Qaramada Midoobay ku dhawaaqday sannadkii 2011, si loo muujiyo muhiimadda uu raadiyuhu u leeyahay bulshooyinka aan si buuxda u gaarin tiknoolajiyadda casriga ah.
Raadiyaha oo uu hindisay saynisyahan Talyaaniga u dhashay oo lagu magacaabi jirey Guglielmo Marconi horraantii qarnigii 20aad, ayaa noqday warbaahin dunida isku xirta, gaar ahaan bulshooyinka nugul.
Soomaaliya, raadiyuhu wuxuu soo gaaray 1943dii, xilligii ugu horreeyay ee la maqlay Radio Hargeysa, halka Radio Muqdisho la aasaasay 1951dii, xilli dalku ku jiray gacanta gumaysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Raadiyuhu wuxuu noqday aalad si weyn u saamaysay fikirka bulshada, waxbarashada, iyo wacyigelinta dadweynaha.
Sanadkii 1957kii, Laanta Af Soomaaliga ee BBC ayaa bilowday baahinta barnaamijyadeeda, taas oo si degdeg ah u noqotay il war oo ay ku kalsoon yihiin Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan.
Waxaa xigtay idaacadda VOA, kuwaas oo labaduba door weyn ka qaatay helidda warar dhexdhexaad ah xilliyadii ay adkayd in war rasmi ah gudaha laga helo.
Xilligii Xukuumaddii uu Maxamed Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa, raadiyaha waxaa si ballaaran loogu adeegsaday warbaahin dowladeed, laguna faafin jiray warar, heeso, riwaayado iyo barnaamijyo lagu xoojinayo fikradda dowladnimada.
Si kastaba, burburkii Dawladdii Dhexe ka dib, raadiyuhu wuxuu galay marxalad kale oo muran badan, iyadoo hoggaamiye kooxeedyo iyo dhinacyo iska soo horjeeda ay u adeegsan jireen dacaayad iyo hurinta colaadaha.
Laga soo bilaabo dabayaaqadii 1990meeyadii, gaar ahaan 1998-kii wixii ka dambeeyay, waxaa dalka ka hana qaaday idaacado gaar loo leeyahay, kuwaas oo fursad u noqday in shacabka ay helaan cod, isla markaana warbaahintu door ka qaadato nabadda, dibuheshiisiinta iyo islaxisaabtanka.
Si kastaba ha ahaatee, maanta raadiyaha waxa uu wajahayaa caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin hoosudhaca dhaqaalaha, tartanka baraha bulshada, iyo dadweynaha oo ka sii guuraya dhegaysiga warbaahinta qadiimiga ah.