RW Xamse oo Bilaabay Dadaallo Xal loogu Raadinayo Khilaafkii ka Dhashay Dhacdadii Garoonka Aadan-Cade ee Caawa
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa bilaabay dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay habraacyada amniga garoonka, isagoo caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisulwasaarihii Hore, Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa arrimaha taagan.
Ra’iisulwasaare Xamse ayaa sheegay inay dawladda ka go’an tahay wadahadal ku dhisan niyad wanaag, isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro ismaandhaafkii u danbeeyay si dalku hore ugu sii socdo.
Sidoo kale, Ra’iisulwasaaruhi wuxuu booqasho gaar ah ugu tegey Ra’iisulwasaarihii Hore, Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sii abbaqaadaya qorshaha is-afgaradka ee uu garwadeenka ka yahay.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dawladda iyo Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan ka dib dhacdadii garoonka ee saameysay madaxda u socotay kulanka Axmed-Madoobe iyo Siciid Deni.