Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahiyay sida Soomaaliya uga guuleysatay damacii guracnaa ee Israa’iil
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin siyaasadeed iyo sharciyeed oo ballaaran si loo buriyo tallaabada uu ku tilmaamay “mid sharci-darro ah” ee ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka Somaliland.
Madaxweynaha ayaa wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, isagoo sheegay in Soomaaliya ay si dhow ula shaqeynayso dalal uu hormuud u yahay Sacuudi Carabiya si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga ay ku dhawaaqday Israa’iil, oo uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, uu yahay jebin cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu xusay in tallaabadaasi ay si toos ah u khilaafayso xeerarka caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo go’aamada Midowga Afrika ee ilaalinaya xuduudaha Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadday saddex tallaabo oo is barbar socda.
Tallaabada koowaad waa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo degdeg ah oo laga bilaabay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka si sharci ahaan iyo siyaasad ahaan loo diido loogana buriyo aqoonsiga Israa’iil.
Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in arrintan lagu qaado kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, taasoo uu madaxweynuhu ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo weyn.
Tallaabada labaad ayaa ah mideynta mowqifka Carabta, Islaamka iyo Afrika, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah u amaanay doorka Sacuudi Carabiya, oo noqotay dalalkii ugu horreeyay ee si cad u diida tallaabada Israa’iil.
Waxa uu sheegay in mowqifka Riyadh uu ka tarjumayo taariikhda dheer ee Sacuudiga ee taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Tallaabada saddexaadna waa xoojinta wada-hadalka qaran ee gudaha, si arrimaha siyaasadeed ee dalka loogu xalliyo qaab Soomaaliyeed oo ka madax-bannaan faragelin dibadeed.
Madaxweynaha ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah loo joojin aqoonsigan, uu noqon karo tusaale halis ah oo kicin kara dhaqdhaqaaqyo gooni-goosad ah oo ka jira Afrika iyo dunida Carabta, gaar ahaan dalalka la daalaa dhacaya burbur dowladeed sida Suudaan iyo Yemen.
Waxa uu xusay in arrintani ay sidoo kale khatar ku tahay ammaanka Badda Cas iyo marinka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, kuwaas oo laf-dhabar u ah ganacsiga caalamiga ah iyo amniga tamarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ujeeddadeedu aysan ku koobnayn aqoonsi siyaasadeed oo keliya, balse ay doonayso in ay saldhig istaraatiiji ah ka sameysato Geeska Afrika, si ay saameyn ugu yeelato Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in dalku noqdo goob lagu loollamo danaha quwadaha shisheeye, isla markaana ay si adag u difaaci doonto midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan taariikh, diin iyo dan wadaag, isla markaana Sacuudigu door muhiim ah ka ciyaaro taageerada xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.