U bood dhigaalka

Sidee buu ku yimid Xuska Maalinta Jacaylka Adduunka ee 14-ka Febraayo ?

14-ka Febraayo oo ku astaysan maalinta jacaylka Adduunku, waa maalin ay lamaaneyaashu ku muujinayaan jacaylka, kalgacalka iyo is-qadarinta, iyagoo is weydaarsada hadiyado, farriimo iyo ereyo xambaarsan dareen shucuur ah.

Xuska maalinta jacaylka Adduunka ayaa la rumeysan yahay in ay asal ahaan ka soo jeeddo xilligii boqortooyadii Roomaankii hore.

Sida ay sheekooyinka taariikhiga ahi tilmaamayaan, boqorkii Roomaanka Claudius ayaa mamnuucay guurka iyo kulanka dhalinyarada, sababo la xiriiray dagaallo badan oo uu ku jiray, isagoo u baahnaa askar rag ah oo badan.
Si kastaba ha ahaatee, hal habeen oo sannadka ka mid ah ayuu oggolaan jiray kulan gaar ah, halkaas oo wiilasha iyo gabdhuhu nasiib ahaan isu dooran jireen, arrintaas oo markii dambe loo arkay bilowgii fikradda maalinta jacaylka.

Muddo ka dib, maalintani waxay noqotay munaasabad caalami ah oo dal walba si u gaar ah u xuso,dalal badan ayaana lagu qabtaa dabaaldegyo waaweyn, halka meelo kale dood adag ay ka taagan tahay.

Goobo taariikhi ah oo astaan u noqday jacaylka, sida Taj Mahal, ayaa iyaguna mararka qaar wajahaya muran dhaqan iyo siyaasadeed oo la xiriira xuska maalintan.

Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, aragtida laga qabo 14-ka Febraayo way kala duwan tahay,qaar ka mid ah dhalinyarada, gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn iyo qurbo-joogta, waxay u arkaan maalin lagu xoojiyo xiriirka, lagu kobciyo is-fahamka, sidoo kalena lagu muujiyo kalgacal iyo daryeel.

Dhanka kale, waayeel iyo culimo badan ayaa u arka munaasabad dhaqan shisheeye ka timid oo aan waafaqsanayn diinta Islaamka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo doodahaas jira, jacaylka laftiisa — sida ixtiraamka, mas’uuliyadda qoyska, is-garabsiga iyo naxariista waa qiyam si qoto dheer ku leh dhaqanka Soomaaliyeed.

Qoysaska Soomaaliyeed badankooda jacaylkooda kuma koobna hal maalin oo gaar ah, balse waxay u arkaan lama-dhaafaan maalinle ah oo lagu dhiso qoys iyo bulsho isku duuban.

Si kastaba ha ahaatee Maalinta Jacaylka Adduunku waa maalin dunidu si kala aragti duwan u fasirato, Soomaaliya gudaheedana, weli waa mowduuc doodi ka taagan tahay, balse waxa la isku raacsan yahay in is-fahamka, kalgacalka iyo ixtiraamku yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee xiriir kasta ha noqoto 14-ka Febraayo ama maalin kasta oo sannadka ka mid ah.