Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada-hadlay amniga dalka iyo horumarka guud ee qaaradda Afrika
Intii lagu guda jiray shir-madaxeedka Midowga Afrika ee dhowaan ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, masuuliyiin ka kala socday Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarka guud ee qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan doceed gaar ah la yeeshay wakiil ka socday Mareykanka oo lagu magacaabo SBO Checker ayaa kala hadlay arrimo dhawr ah oo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda, sida ay xaqiijisay waaxda arrimaha Afrika ee Mareykanku.
Intii kulanka socday, dhinaca Mareykanka ayaa muujiyay qaddarin ku aaddan iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca la-dagaallanka argagixisada iyo xasillinta amniga.
Sidoo kale, Mareykanku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo horumar la taaban karo oo ku saabsan amniga, isla-xisaabtanka hay’adaha, iyo mas’uuliyadda dowladnimo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga, horumarinta nidaamka isla-xisaabtanka, iyo la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.
Kulankan ayaa muujinaya inay sii xoogaysanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo la isla qaatay in amniga, isla-xisaabtanka, iyo horumarka dhaqaale ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo xasillooni waarta.