Talyaaniga iyo Afrika: Shir Madaxeed Lagu Dhisayo Iskaashi Dhaqaale iyo Mustaqbal Wadajir ah
Shirka Talyaaniga iyo Afrika waa madal siyaasadeed iyo dhaqaale oo heer caalami ah oo Talyaanigu u sameeyo dalalka Afrika si loo dhiso iskaashi cusub oo ku saleysan dan wadaag, horumar iyo xasillooni.
Shirkan oo loo yaqaan Italy–Africa Summit waxa uu ka tarjumayaa aragtida Talyaaniga ee ah in Afrika aysan ahayn kaliya dalal u baahan gargaar, balse ay yihiin dalal istaraatiiji ah oo leh kheyraad, suuqyo iyo awood korriin oo ballaaran.
Ujeeddada ugu weyn ee shirka waa in la abuuro xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika kaas oo ku saleysan ganacsi, maalgashi iyo iskaashi waara, halkii uu ahaan lahaa gargaar ku meel gaar ah.
Shirka waxaa saldhig u ah qorshe ay Talyaanigu ugu magac dareen “Mattei Plan for Africa”, kaas oo ah hindise ballaaran oo Talyaanigu ku doonayo in uu Afrika ka taageero horumar dhaqaale, shaqo abuur, tamar la isku halayn karo iyo kaabayaal casri ah, isla markaana uu ku yareeyo sababaha keenaya saboolnimada, tahriibka iyo xasillooni darrada.
Qorshahan wuxuu Talyaaniga siinayaa doorka ah in uu noqdo albaabka Yurub ee Afrika, halka Afrika-na ay Talyaaniga u aragto waddan si gaar ah u daneeya koboca iyo horumarkeeda.
Shirka Talyaaniga iyo Afrika waxaa si gaar ah diiradda loogu saaraa ganacsiga, maalgashiga, tamarta, beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hal-abuurka.
Dalalka Afrika waxaa lagu dhiirrigeliyaa in ay soo bandhigaan mashaariic horumarineed oo u baahan maalgelin, halka shirkadaha Talyaanigu ay helayaan fursado ay ku maalgeshaan tamarta qorraxda, gaaska, beeraha casriga ah, warshadaha iyo dhismaha waddooyinka, dekedaha iyo kaabayaasha kale. Sidaas awgeed, shirka wuxuu noqdaa meel ay isku arkaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa ganacsiga.
Ka qeybgalka Madaxda Afrika, sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu muujinayaa sida shirkaani ugu furan yahay dalalka doonaya in ay helaan saaxiibo dhaqaale oo cusub.
Soomaaliya oo u baahan dib-u-dhis, maalgashi iyo shaqo abuur, waxay shirka ka dhex aragtaa fursad ay ku soo jiidan karto shirkado Talyaani ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya kaabayaasha, kalluumeysiga, tamarta iyo beeraha.
Sidoo kale, xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa siinaya Soomaaliya meel gaar ah oo ay ku horumarin karto wada shaqeyn waarta.
Guud ahaan, Shirka Talyaaniga iyo Afrika ma aha kaliya kulan diblomaasiyadeed, balse waa madal lagu dhisayo mustaqbal wadajir ah oo ku saleysan horumar, xasillooni iyo iskaashi dhaqaale.