U bood dhigaalka

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta u dabaaldegaya 66 sana guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 66-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda, ayadoo la unkay 15-kii Febraayo ee sanadkii 1960-kii, xilli uu dalku u jiheysanayay ilaalinta madaxbannaanidiisa iyo dhismaha hay’adaha difaaca qaranka.

Ciidankan oo ka mid ah laf-dhabarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kaalin muhiim ah ka soo qaatay difaaca qaranka iyo adkaynta midnimada dalka, gaar ahaan sanadihii adkaa ee uu dalku wajahayay caqabado amni.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo askarta Ciidanka Cirka, iyagoo bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin difaaca dalka.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (SAF), ayaa si muuqata uga qayb qaatay dagaalladii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadihii 1964-tii iyo 1977-kii, kuwaas oo lagu xusuusto in ciidanku muujiyay geesinimo, karti iyo u-heelnaan qaran, kaalintaas ayaana weli ku suntan xusuusta taariikhda militariga dalka.

Xuskan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto dib-u-dhiska iyo casriyeynta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Cirka, kaddib markii laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd dalka.

Dowladda ayaa lagu wadaa inay mudnaan siiso qalabaynta, tababarrada casriga ah iyo dib-u-habeynta cutubkan, maadaama uu yahay qeyb istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah difaaca hawada iyo sugidda amniga qaranka.

Dhanka kale, Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hambalyo rasmi ah u diray Ciidanka Cirka, isagoo ku amaanay adkaysigooda iyo heegankooda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidanka Cirka ay mudan yihiin taageero buuxda iyo maalgashi joogto ah si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amni ee casriga ah.

Xuska 66-guurada aas-aaska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa noqonaysa mid xambaarsan farriin ku saabsan dib-u-curashada awoodda difaac ee dalka, rajada horumarinta ciidamada, iyo doorka ay mustaqbalka ka qaadan doonaan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.