U bood dhigaalka

Maxaa ka jira in Turkigu uu taangiyo casri ah ku wareejiyay Dawladda Soomaaliya?

Warbixinno soo baxayay saacadihii la soo dhaafay iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in Turkigu uu gaadiid dagaal oo ah taangiyada M48 Patton keenay Soomaaliya, inkastoo aanay jirin xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Ankara.

Sawirro iyo muuqaallo la arkay ayaa muujinaya taangiyo ku socda kolonyo oo maraya gudaha Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in laga dejiyay dekedda magaalada kaddib markii ay dalka ku soo gaareen maraakiib ciidan.

Sida warbixinnadu tilmaamayaan, taangiyadaasi waxaa si toos ah ula wareegay ciidammada Soomaaliya, arrintaas oo muujinaysa in aanaysan ahayn oo keliya qalab tababar balse loo gudbiyay ujeeddo hawlgal.

Inkasta oo nooca sida cad loo arkay uu yahay M48 Patton, haddana warar kale ayaa sheegaya in xamuulka ay ku jireen taangiyo kale oo ah nooca M60 Patton iyo rasaas la socota.

Haddii ay arrintani dhab noqoto, tani waxay muujinaysaa ballaarinta taageerada milatari ee Turkigu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta saldhigyadiisa iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Taangiyada M48 Patton ee la sheegay in la keenay ayaa horay uga tirsanaa keydka Turkish Armed Forces, ayadoo uu Turkigu haysto tiro ku dhow 1,500 oo taangi oo noocan ah, kuwaas oo qaar badan oo kamid ah la casriyeeyay 1990-meeyadii, laguna kala magacaabay M48A5T1 iyo M48A5T2.

Noocyadan Patton-ka ah ayaa asal ahaan la sameeyay xilligii Dagaalkii Qaboobaa, balse dalal badan ayaa dib u habeeyay si ay ula jaanqaadaan baahiyaha casriga ah.

Illaa iyo hadda, dowladda Turkigu ma aysan bixin wax bayaan ah oo rasmi ah oo ku saabsan wararka la xiriira keenista taangiyadan, halka dhinaca Soomaaliya ay ka gaabsatay faahfaahin dheeri ah.

Ankara ayaa dhowaan dalka keentay seddax diyaaradood oo nooca F-16 ah, balse ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyay in aan Dawladda Soomaaliya lagu wareejin ee keliya ay ahaayeen kuwo taageero dhinaca cirka ah siin doona ciidanka qaranka ee la dagaallamaya kooxda Al-Shabaab.