Midowga Afrika oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna celiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Ururka Midowga Afrika ayaa markale si cad u muujiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay in ay aqoonsi hal-dhinac ah siisay Somaliland.
War-murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay shirka hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa lagu sheegay in ururku gebi ahaanba diidan yahay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu si buuxda u taageersan yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale si buuxda u taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday hindise kasta ama dadaal kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, isaga oo ku adkeeyay in arrintaasi ay si toos ah u khilaafsan tahay xeerarka iyo mabaadi’da ururka.
Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa hoosta ka xarriiqay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ah uu jebinayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana uu khatar ku yahay nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Qaaradda Afrika.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay, isla markaana dhammaan khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, hannaan sharci ah iyo habab waafaqsan xeerarka qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.
Midowga Afrika ayaa ku celiyay in mowqifkiisu yahay mid aan gorgortan ka gelin, kuna dhisan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tiir muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.