Turkiga oo Markabkiisa Shidaalqodista “Çağrı Bey” u soo Diray Soomaaliya si Shidaal loogu Qodo
Istanbul – Dawladda Turkiga ayaa qaadday tallaabo taariikhi ah oo dhanka tamarta ah, ka dib markii maanta si rasmi ah Soomaaliya loogu soo diray markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, si uu uga bilaabo baarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badda Soomaaliya.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka laga anbabixiyay dekedda Mersin Taşucu, isagoo si toos ah ugu sii jeeda Soomaaliya, halkaas oo uu ka bilaabi doono hawlo qodis iyo sahamin shidaal.
Bayraktar ayaa yiri: “Maanta waa maalin taariikhi ah. Markabkeenna Çağrı Bey waxaan ka diraynaa Mersin Taşucu si uu Soomaaliya uga bilaabo baarista shidaalka. 2026 wuxuu noqon doonaa sannad guulo iyo helitaan tamareed.”
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Turkigu uusan ku ekaan doonin kaliya baarista gudaha dalka, balse uu ballaarinayo hawlihiisa tamareed ee caalamka, gaar ahaan dalalka ay la leeyihiin iskaashi istiraatiiji ah sida Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa ka dhigan horumar weyn oo ku saabsan iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in haddii shidaal ama gaas la helo ay si weyn uga faa’iidaysan doonto dhaqaalaha Soomaaliya, shaqa-abuur iyo maalgelin ballaaranna ay dalka geli doonaan.
Soomaaliya ayaa muddo dheer loo arkayay dal leh kheyraad badeed oo ballaaran, balse aan si rasmi ah loo sahamin. Dirista markabka Çağrı Bey waxay hadda furaysaa bog cusub oo ku saabsan ka-faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.