Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan amniga, horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida, iyo wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed.
Wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyay guulaha ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen la-dagaallanka Khawaarijta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay taageerada saaxiibada caalamiga ahi u leedahay dadaalladaas.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorka xasilloonida Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, iyo sida iskaashi mideysan uu gacan uga geysan karo adkeynta amniga iyo horumarka waara ee gobolka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha, isagoo rajo ka muujiyay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.