Muqdisho: Baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay doodda Cutubka 9-aad ee Dastuurka
Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan wadajir ah oo looga hadlayo dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka dalka.
Kulankan oo ahaa kalfadhiga 7-aad kulankiisa 20-aad, waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay wehlinayeen guddoomiye ku-xigeennada labada aqal.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa diiradda lagu saaray marxaladda labaad ee dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan Cutubka 9-aad oo ka kooban qodobada 130-aad ilaa 154-aad.
Mudanayaasha ayaa bilaabay falanqaynta soo-jeedimaha wax-ka-beddelka ee lagu sameeyay cutubkan, kaas oo muhiim u ah hannaanka dowladnimada iyo garsoorka dalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa xaqiijiyey in dooddu ay weli furan tahay, uuna jiri doono kulan kale oo lagu sii amba-qaadi doono falanqaynta cutubkan si go’aan looga gaaro.