XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE AFKA HOOYO: WAA SIDEE XAALADDA AFKEENNA HOOYO EE SOOMAALIGA?
“Waa lagu hagradayee
Afyow hodan inaad tahay
Waa erey hubaalee!”- Abwaan Cabdicasiis Dakharre.
Shisheeyuhu waxa uu ku guuldarraystay burburinta af Soomaaliga, hasayeeshee waxa uu ku guulaystay in uu burburiyo dadkiisa.
Maanta oo kale, 21da Febraayo, waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee loo soo gaabiyo UNESCO ayaa 21da Febraayo u astaysay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, sannadkii 1999kii, iyada oo ugu baroordiiqayso dhallinyato isugu soo baxay xoojinta afka Bangaali oo lagu laayay magaalada Dhaka ee dalka Bangaaladheesh markaasna ka tirsanayd Bakistaan 21da Febraayo 1952dii. Marka laga yimaado 21da Febraayo oo ah maalin Afafka oo idil la xuso, Af Soomaaliga waxa uu si gaar ah u lahaa 21da Janaayo oo ahayd maalintii ugu horraysay ee si rasmi ah loo baahiyay qoraalka farta Soomaaliga.
Af Soomaaliga waa af hodan ah, af ummadeed, iyo af ku suntan gobannimo, adkaysi iyo ilbaxnimo. Afku waa astaanta kowaad ee lagu garto qofka Soomaaliga ah iyo dhaxal aan gaar u leenahay oo aanay cid inala wadaagin. Afka waa la baran karaa, laguna adli karaa, balse lahaanshiyahiisu lama wadaagi karo. Afafka shisheeeye sida Carabiga iyo Ingiriisiga waad baran kartaa adiga oo Soomaali ah, hasayeeshee sidaas ku noqon maysid qof Carab ah ama Ingiriisi ah.
Waxyaabaha keenay in gumaystuhu inna dhaqandoorin waayo waxaa ka mid ah af Soomaaliga. Badi waddamada Afrika galaangal xoogan ayuu ku yeeshay iyo dhalan rogis. Af Soomaaliga sida afafka dunida oo kale waxa uu ka kooban yahay laba qeyb qeyn murti leh oo loo yaqaan tix iyo hadalka caadiga oo tiraab la yiraa. Dadkeenna waxa ay awoodaan in ay si isku mid ah u adeegsadaan taas oo muujineysa hodantinimada afkeenna.
Horumarintii Af Soomaaliga
Horumarinta af Soomaaliga jiilal badan ayay isaga soo gudubtay, lamana oga xilliga rasmiga ah oo ay soo billaabatay. Hasayeeshee inta la xasuusto waxa kaalin mug leh ka qaatay Sheekh Yuusuf al-Kownayn. Waxaa xigay xeeldherayaal afeed oo isku xilqaamay in ay xal u helaan dhibaatada qoraal la’aaneed ee af Soomaaliga. Sidoo kale, waxaa dadaalo faro badan ku bixiyay sidii loo qori lahaa af Soomaaliga aqoonyahanno ay ka mid yihiin, Cismaan Yuusuf Keynadiid oo soo saaray farta Cusmaaniya sannadkii 1922dii, sheekh Cabdiraxmaan Nuur oo soosaaray farta Boorama sannadkii 1933dii, Muuse Galaal oo soo bandhigay 1951dii, Xuseen sheekh Axmed Hilowle “Kaddare”, oo isaguna allifay farta Kaddariya, sannadkii 1952dii iyo Shire Jaamac Axmed oo far laatiin ah 1961dii soo bandhigay.
Sidoo kale? waxaa door muhiim ah ka soo qaatay xal u helidda qoraalka af Soomaaliga waxaa ka mid ahaa sheekh Ibraahin Xaashi Maxamuud, Xaliima Cali Maxamed, Qaasin Hilowle, Cabdi Cawaale Kheyre, Cali sheekh Cabdul-Qudbi, Mustafa sheekh Xasan, Maxamed Axmed Maxamuud, Sheekh Axmed Iimaan, Xuseen Xaashi Haloog iyo aqoonyahanno aan halkan lagu soo koobi karin.
Guddiyadii Af Soomaaliga:
Guddigii Kowaad
Dhawr sano oo hardanka farta gaaray meeshii u sarreysay, qof walba ku hami weynaa in fartiisa la qaato kadib, waxaa curatay dawladdii rayidka. Waxa ayna magacaawday guddi go’aan ka gaara farta la qaadan doono. Isqabqabsi soo kala dhexgalay xubnihii guddiiga oo tartamayaal ahaa ayaa sababtat in guddiga uu fashilmo iyo dawladdii rayidka oo go’aan sax ah ka qaadan weysay, iyada oo diidaneed in ay mawjado siyaasadeed fasho madaama ay curdan ahayd. Guddiga waxa uu ka koobnaa sagaal xubnood, waxaana guddoomiye u ahaa Muuse Galaal Ismaaciil.
Guddigii Labaad
Guddiga labaad oo la dhisay sannadkii 1965tii. Hoggaankiisa iyo maamulkiisaba waxa majaraha u hayay xeeldheerayaal caddaan ah oo ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO. Si la mid ah guddiigii kowaad ayuu ku guuldarraystay in far rasmi ah hirgeliyo.
Guddigii Saddexaad
Xukumaddii Kacaanka oo laba sano dalka maamuleysay ayaa dhistay guddigii seddexaad ee af Soomaaliga.Guddiga seddexaad waxa uu ka koobnaa 24 xubnood, waxaana guddoomiye ka ahaa Shariif Saalax Maxamed Cali. Guddiga waxaa loo igmaday in muddo kooban ku soo saaraan manhaj ku qoran af Soomaali. Qaddiyadii tartanka nooca faraha lanqaadanayo waxaa ka awood badnaatay in manhaj la rabo xuruuf walba ha ku qornaadee, taas oo dhalisay in xuruufta Laatiinka oo dad badani ka gadoodsanayeen la qaatay. 21dii Janaayo 1973 ayaan si rasmi ah loogu shaaciyay wargeyskii Xiddigta Oktoobar warbixintii ugu horraysay ee ku qoran af Soomaali. Kacaanka waxa uu awood u yeeshay qoraalka iyo hirgelinta af Soomaaliga, waana mid ka mid ah waxyaabaha uu ka ammaanan yahay.
Oololihii Horumarinta Reermiyiga
Guushii qoraalka af Soomaaliga waxaa xigay Ololaha Horumarinta Reermiyiga oo ahaa olole lagu horumarinyay nolosha reermiyiga. Ololaha oo socday 1973-74tii waxaa ka qeybgalay qeybaha kala geddisan ee bulshada sida macallimiin, dhaqaatiir, shaqaale dawladeed iyo arday wax ka baranaysay dugsiyada dhexe iyo sare dalka, waxa uuna isugu jiray barashada qoraalka iyo akhriska af Soomaaliga, kobcinta dhaqanka, daryeelka iyo daawaynta dadka iyo duunyada.
Madaxdii ugu sarraysaydalka ayaa ka sagootiyay garoonka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho dad isugu jira carruur iyo cirroole. Waxa ay ahayd dareen aan la cabbiri karin iyo naf hurnimo tii u sarreysay. Qofka oo u safraya meel uusan weligii tegin; walaal iyo waalid midna uga horrayn, dantiisa gaarka ahna u socon— oo kaliya u socda si uu jahliga uga saaro walaalkiis Soomaaliyeed. Arrintaas ayaa muujisay isjacaylka, walaaltinimada iyo iskaaashiga Ummadda Soomaaliyeed. Sidaas oo kale, dadka reermiyiga oo ku caanbaxay martisoorka ayaa si diirran u soo dhaweeyay walaalahood, hoy cuno iyo wixii kale oo ay heli kareen ayay siiyeen.
Dadaalladii Ereybixinta
Guddiga eraybinta waxa ay kaalin weyn ka qaateen kobcinta iyo soo nooleynta afka. Kobcinta waa in erayo cusub lagu soo daro afka, soo nooleyntuna waa in ereyo hore loo adeegsan jiray, balse laga tagay dib loo soo celiyo. Waa halka ay dhibaatada ka jirto maanta.
Nolosheennu waxa ay ku tiirsantahay waxa aan soo dhoofsano, sheyga aan soo dhoofsano ee wata magaca qalaad ma jiro guddi u sameeya magacbixin Soomaaliyeed, balse xilliyadii hore dheyga la keeno guddigan ayaa u xilsaarnaa in uu u bixiyo magac ku habboon oo la xiriira muuqaalkiisa ama shaqdiisa.
Guddigii Afaraad
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa 20ka Feebaraayo 2022da ayaa si rasmi ah u magacaabay guddi ka kooban 34 xubnood, oo 28 xubin iyo 6 xeeldheere afeed kala ah, waxaana guddomiye u ahaa Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax).
Guddigan ayaa ah kii kowaad ee la magacaabo tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee dalka. Afar sano ayaa ka soo wareegtay magacaabistiisa, walina waxaa horyaal shaqooyin culus, oo ay ugu horrayso: midaynta habdhigaalka af Soomaaliga iyo ereybixinta ereyada qalaad ee afkeenna doolka ku ah.
Waxsoodhoofsashada dhibaatooyin badan ayay dalka ku haysaa, xag dhaqaale, xag caafimaad, iyo ku-tiirsanaanta dalka ee dunida. Intaas oo dhibaato ee muuqata marka laga yimaado, waxa ay qeyb ka qaadataa dabargoynta afka. Alaabta marka dalka soo saaro waxa ay qaadataa magac dalka ah, marka dibadda laga keeno se waxa ay la timadaa magac shisheeye oo barakicinaya ereyadii xerudhaladka ahaa ee afkeenna.

Ciise Cabdi
Qore daraaseeya culuunta dhaqaalaha, waxna ka qora dhaqanka, dhaqaalaha, iyo dawladnimda, si gaar ah dhisidda hay'ado dawladeed oo daahfuran, kana hufan eex, musuq iyo caddaaladdarro.