U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareeysay weerarro oo ka dhacay dalka Nigeria

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan konton qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur aan waxba galabsan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria xilligan adag, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku naf waayay weerarradaas, iyadoo u rajaynaysa caafimaad degdeg ah dhammaan dadka ku dhaawacmay” ayaa lagu  yiri war qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna muujineysaa taageeradeeda ku aaddan dadaallada Nigeria ee lagu xaqiijinayo in dembiilayaasha lala xisaabtamo lana horkeeno caddaaladda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay mideysnaadaan si wadajir ahna ula dagaallamaan argagixisada, iyagoo xoojinaya iskaashiga si loo ilaaliyo shacabka rayidka ah loona sugo nabadda iyo amniga qaaradda.