U bood dhigaalka

Maraykanka oo ku baaqay in la sii wado wadahadallada Madaxtooyada iyo golaha Mustaqbalka

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ay ugu baaqayso hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan wadahadalka, xilli uu fashil ku dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Safaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri, “Wadahadal iyo tanaasul waa arrimo adag, balse waa lama huraan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas,” iyadoo farriintani ay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo lagu kala tagay shirkii ka socday xarunta Madaxtooyada.

​Is-mari-waagan ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ay ku heshiin waayeen qodobo masiiri ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka heer federaal iyo kuwa saddexda maamul-goboleed ee dowladda taabacsan.