Guddiga Doorashooyinka oo Raaligalin ka bixiyey Qalad Farsamo oo ku jiray Liiska Degmooyinka
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray liiska saxda ah ee degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Golaha Deegaanka ee Dawlad-Goboleedyada dalka, iyadoo isla markaana la saxay qalad farsamo oo ku jiray jadwalkii hore.
Guddigu wuxuu caddayeen in si weyn loogu kuur-galay liiskii hore loo baahiyey, waxaana la ogaaday in si qalad ah loogu daray degmada Goldogob oo ka tirsan Dawlad-Goboleedka Puntland.
Degmada Goldogob waxaa horey looga qabtay doorashada Golaha Deegaanka taariikhdu markay ahayd 25-ka May 2023, Sidaas darteed, Goldogob kuma jirto jadwalka cusub iyo liiska degmooyinka ee doorashooyinka hadda loo diyaar-garoobayo.
Guddiga Doorashooyinka waxa uu cudur-daar ka bixiyey qaladkan farsamo ee dhacay intii lagu guda jiray diyaarinta liiska. Guddigu wuxuu mar kale u xaqiijiyay shacabka Soomaaliyeed iyo ururrada siyaasadda, In geedi-socodka doorashadu u dhici doono si cad.
In mar walba la raacayo shuruucda doorashooyinka ee dalka u yaalla.