U bood dhigaalka

Yaa Maamula Qalinka: Qolka Wararka mise Qasriga Madaxtooyada?

Muqdisho (Goobjoog) — Dunida warbaahinta ayaa toddobaadkan ku waabariisatay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday xarunta wargeyska caanka ah ee The Washington Post. Go’aan lama filaan ah oo ka soo baxay maamulka wargeyska ayaa sababay in hal mar shaqada laga ceyriyo in ka badan 300 oo suxufi, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid kamid ah maalmihii ugu madoobaa taariikhda saxaafadda Mareykanka. Arintaan ayaa dhalisay su’aal weyn oo gilgishay tiirarka warbaahinta xorta ah: Yaa leh go’aanka ugu dambeeya ee warka? Ma Tifaftiraha fadhiya qolka wararka (Newsroom), mise maalqabeenka iyo siyaasiga ku jira qasriga madaxtooyada?

Gacanta “Qarsoon” ee Qolka Wararka

Jeff Bezos, bilyaneerka iska leh Amazon isla markaasna sannadkii 2013kii ku iibsaday Washington Post lacag gaareysa $250 milyan, ayaa hadda wajahaya eedeymo culus. Markii hore waxaa loo arkayay badbaadiyaha iyo soo nooleyaha wargeyska, balse xaqiiqada se ma aysan noqon sidii la filaayay, suxufiyiinta banaanbaxaya waxa ay ku eedeynayaan in uu is beddelay, lana yimid dhaqan aan aheyn kii warbaahinta lagu yaqiin. Eedeymaha ugu waaweyn ayaa ah in Bezos uu jebiyay darbigii u dhexeeyay “Milkiilaha” iyo “Tifaftiraha,” isagoo u hoggaansamaya cadaadiska siyaasadeed ee maamulka Donald Trump si uu u ilaashado danihiisa kale ee ganacsi. Marty Baron, Tifaftirihii hore ee fulinta wargeyska, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “is-dilitaan” iyo burburin ku timid sumcadda hay’ad soo jireen ah.

Yaa leh eedda ma Milkiilaha mise Dawladda?

Labadaba waa ay leeyihiin eedda. Dawladda waxa ay eedda ku leedahay in ay cadaadis saarto warbaahinta madaxa bannaan, haddii ay warbaahinta khalad gasho, dawladda wax ay xaq u leedahay in ay sharciga la tiigsato warbaahinta, warbaahinta sharci mala tiigsan kartaa dawladda? Sidoo kale milkiilayaashana iyaga oo eegana arrimo gacansi iyo dhaqaale la xiriira in ay xaqiiqada duugaan, bulshada dhexdeedana waxa ay ku sumcad dilmayaan, dhaqaalihii ay raadinayeen meesha ayuu ka bixi doonaa.

Qisada Lizzie Johnson

Go’aanka kasoo baxay “Qasriga” milkiilaha ma ahayn mid tixgeliyay xaaladda bini’aadamnimo ee suxufiyiinta. Tusaalaha ugu xanuunka badan waa Lizzie Johnson, weriye nafteeda u hibeysay in ay kasoo waranto furimaha dagaalka Ukraine. Iyadoo ku jirta xaalad adag oo dagaal, ayay heshay fariinta shaqo ka eryidda. Tani waxa ay muujinaysaa in marka saxaafaddu ay noqoto hanti ganacsi, xaqiiqada iyo nafta wariyaha ay noqdaan waxa ugu liita. Sidoo kale waxaa jiraa boqollaal kale oo sida Lizzie la nool qisooyin xanuun badan, balse waayay cid soo tabisa.

Haddii Mareykanka oo isku tilmaamay aabbaha dimuqoraadiyadda ay warbaahintiisa iyo wariyayaashiisa wajahayaan xaaladdaan, bal kawarran Soomaaliya oo ay wariyayaasha ku shaqeyaan duruufo ka adag kuwa Mareykanka?

Wariyayaasha Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan duruufo nololeed oo adag, isuguna jira kuwa amni iyo kuwa dhaqaale. Ma laha damaanad shaqo, in uu shaqada ka tago waxaa ka xiga maamulka oo ay ra’yi isku khikaafaan. Waa u sii dheer in ay si joogto ah ula kulmaan tacaddiyo isugu jira jir-dil, xarig iyo agabka oo laga jajabiyo. Wariyaha waxa uu ka shifaa sharwadayaasha, dalkeenna waxaa ku badan kuwa bulshada dhibaateeya, mar walba oo dhibaatada la sheega qofka sameyay waxa uu u gaarsadaa

Sidoo kale dalladihii ay ku mideysnayeen wariyayaasha, ujeeddadooduna aheyd in ay u doodaan xuquuqda wariyayaasha ayaa meeshabka maqan, magac ahaan waa ay u jiraan oo warqad cambaareyn ah ayay soonsaaraan, balse intaa wax dhaafsiisan ma sameyaan.

Gunaanad

Dhacdada Washington Post waa digniin caalami ah: Marka siyaasadda iyo ganacsiga ay galaan qolka wararka, waxaa dhimata xaqiiqada. Laakiin Soomaaliya, halganka weriyuhu ma ahan kaliya mid shaqo raadis ah; waa mid badbaado raadis ah. Maanta, difaaca saxaafaddu waa inaan aqoonsanno in warbaahinta xorta ah ay tahay danta guud ee shacabka, ee aysan noqon aalad ay ku adeegtaan, ama ay aasaan danaha siyaasiyiinta iyo maalqabeennada.