Abaaraha Dalka ka jira oo Halis gelinaya nolosha malaayiin qof iyo Siyaasad Ku Mashquulid Hoggaamiyaasha
Dalka Soomaaliya waxa uu wajahayaa mid ka mid ah xaaladihii bani’aadamnimo ee ugu adkaa sanadihii u dambeeyay, iyadoo abaaro daba dheeraaday iyo colaado ay si wadajir ah u saameeyeen nolosha malaayiin qof.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Integrated Food Security Phase Classification (IPC) ayaa muujinaysa in tirada dadka la kulmaya cunno yari ba’an ay si weyn kor ugu kacday marka loo eego sanadkii hore.
Sida lagu sheegay warbixinta, xilliga jiilaalka ee Febraayo ilaa Maarso 2026 waxaa la saadaalinayaa in 6.5 milyan oo qof ay wajahaan heerar sare oo cunno yari ba’an, halka rubucii hore ee sanadkii 2025 tiradu ahayd 3.4 milyan, wuxuuna Kororkani muujinayaa sida xaaladdu uga sii dartay muddo sanad gudaheed ah.
Abaaraha soo noqnoqday waxaa sababay roobabkii la filayay oo baaqday, ceelal iyo berkedo badanna way qalaleen, waxayna tani si gaar ah u saamaysay dadka reer miyiga ah ee ku tiirsan xoolaha, iyadoo la soo sheegayo dhimashada kumannaan neef oo ari, lo’ iyo geel ah.
Xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha qoysas badan ayaa markay dhintaan, qoysasku lumiyaan ilihii dhaqaale iyo cunto ee ay ku noolaayeen, taas oo keenta in dadka laftoodu ay galaan xaalad nololeed oo halis ah.
Xaaladda waxaa sii murjiyay hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’aadamnimo, ayadoo Bishii Janaayo 2026, gargaarka cuntadu uu gaaray kaliya 17% oo ka mid ah 4.8 milyan oo qof oo u baahnaa kaalmo degdeg ah.
Isla sanadkan 2026, waxaa la filayaa in 1.84 milyan oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 59 bilood ay la kulmaan nafaqo-darro ba’an, kuwaas oo 483,000 ka mid ahi u baahan doonaan daaweyn degdeg ah si noloshooda loo badbaadiyo.
Iyadoo xaaladdu sidaas u cakiran tahay, Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa soo bandhigay Qorshaha Gurmadka Bani’aadamnimo ee 2026, kaas oo lagu dalbanayo $852 milyan si loo caawiyo 2.4 milyan oo qof oo u baahan gargaar naf-badbaadin ah.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo hoggaamiyaasha siyaasadda oo lagu eedeeyay inay ku mashquuleen khilaafaad iyo loollan siyaasadeed, xilli malaayiin qof ay la ildaran yihiin gaajo iyo harraad.
Waxgarad badan ayaa ku baaqaya in mudnaanta koowaad la siiyo gurmadka abaaraha, badbaadinta xoolaha, biyo dhaamin joogto ah iyo xasilinta qiimaha raashinka, halkii laga sii wadi lahaa isqabqabsiga siyaasadeed.
Marka la eego guud ahaan xaaladda, abaaraha ba’an ee dalka ka jira waxay mar kale muujinayaan nuglaanta bulshooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay is biirsadaan roob la’aan, kala qeybsanaan iyo gargaar yaraan. Haddii aan la qaadin