Midowga Afrika oo ka hadlay xiisadda milatari ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan duqeymaha la sheegay in Mareykanku, isaga oo kaashanaya Israa’iil, ka fuliyay gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo sii hurisay colaadda Bariga Dhexe.
Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo xakameeyo xiisadda, loo joojiyo tallaabooyinka hurinaya dagaalka, lana bilaabo wadahadal miro-dhal ah oo ku dhisan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga caalamka.
Wuxuu ka digay in sii kordhinta colaaddan ay halis gelin karto xasilloonida guud ee dunida, gaar ahaan dhinacyada suuqyada tamarta, sugnaanta cunnada iyo adkeysiga dhaqaale, arrimo si gaar ah u saameyn kara qaaradda Afrika oo duruufo adag wajahaysa.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh in ay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda iyo dadaallada dhexdhexaadinta ee socda, si looga hortago xaalad sii xumaata loona ilaaliyo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerar iyo heshiisyo la wada oggol yahay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabad waarta lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo is-afgarad, balse aan lagu gaari karin xoog iyo dagaal.