U bood dhigaalka

Waa Kuma Ayatollah Alireza Arafi Hoggaamiyaha Ku-Meel-Gaarka ah ee Iiraan Kadib Geerida Cali Khamenei?

Warbaahinta Iran ayaa werisay in Iiraan ay u magacowday Ayatollah Alireza Arafi inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee ku-meel-gaarka ah kadib dhimashada Ali Khamenei, oo la sheegay in lagu dilay duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Magacaabistan ayaa timid xilli dalka uu wajahayo xiisado dibadeed oo sare iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo gudaha ah.

Arafi, oo dhashay 1959 kana soo jeeda gobolka Yazd, waa wadaad Shiico ah oo muddo dheer ka tirsanaa hay’adaha diinta iyo siyaasadda ee dalka.

Wuxuu wax ku bartay Qom, halkaas oo uu ka gaaray darajada mujtahid, taasoo u oggolaanaysa inuu bixiyo fatwooyin madaxbannaan.

Intii uu xilka hayay Khamenei, Arafi wuxuu qabtay jagooyin muhiim ah, waxaana loo arkayay nin ka mid ah shaqsiyaadka si dhow ugu dhow xarunta awoodda diinta ee Tehran.

Wuxuu soo hoggaamiyay Jaamacadda Al-Mustafa International University, oo ah xarun tababarta culimo ka kala yimaada Iran iyo dalal kale, sidoo kalena wuxuu xubin ka noqday Guardian Council, hay’ad awood leh oo ansixisa sharciyada iyo musharraxiinta doorashooyinka.

Sida uu dhigayo dastuurka Iiraan, marka kursiga Hoggaamiyaha Sare bannaanaado waxaa si ku-meel-gaar ah xilka u haya gole ka kooban madaxweynaha, madaxa garsoorka iyo wadaad ka tirsan Golaha Ilaalinta Dastuurka.

Arafi ayaa noqday wadaadka ku jira golahaas, taasoo ka dhigaysa wejiga diineed ee hoggaanka ku-meel-gaarka ah ilaa ay Assembly of Experts ka soo dooranayso hoggaamiye rasmi ah.

Magacaabistiisa waxay calaamad u tahay isku day lagu ilaalinayo xasilloonida hay’adaha diinta iyo dowladnimada Iiraan xilli kala guur ah.

Indhaha caalamka ayaa hadda ku jeeda Tehran si loo arko sida Arafi u maareeyo cadaadiska dibadeed iyo kala guurka siyaasadeed ee ka dhashay dhimashada Khamenei, taasoo noqotay mid ka mid ah isbeddelladii ugu waaweynaa ee hoggaanka dalka tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979.