U bood dhigaalka

MAXAA LA ISKUQABTAADHAMMAADKA MUDDAXILEEDKA BAARLAMAANKA: MA ‘DAN SOOMAALIYEED’ MISE ‘DIBUDOORASHO?’

Hay’adda sharcidejinta waa hay’adda ugu da’da weyn nidaamka dawladnimadeenna. Ma golaha ayaa qiimo lahayn, mise dad aan qiimahiisa garanayn ayaa dhex jooga? Sow ma ahan golaha madaxweynaha cod uga baahanyahay si uu madaxweyne u noqdo, ra’iisalwasaaraha iyo xukumaddiisuna ansixin uga baahan yihiin, markii ay si sax ah hawsha u gudan waayaanna awood u leh in uu la xisaabtamo, kana qaado xilka, maxaa keenay in hay’adahaas oo ay dastuur ahaan ka awood sarreeyaan u dabo fadhiistaan dawladnimada? Dhammaan weydiimahaas waa kuwa looga fadhiyo xildhibaannada ummadda Soomaaliyeed ku metela golaha.

Mas’uuliyadahaas oo idil iyada oo ay saarantahay, haddana waxaan aragnaa xildhibaanno Soomaaliyeed oo ka arradan xishood, damiir iyo dadnimo—oo ka maqnaada kulamada golaha cudurdaar la’aan—fawdo, firinbi, feer iyo kuleetiga oo la isku dhagana ku suntan.Habdhaqannadaas waxa ay sabab u noqdeen in lagu tusaaleeyo iyagana ay isku tilmaamaan wax walba oo xun sida ciyaalweero, mooryaan, iwm. 

Inkastoo muddaxileedka oo idil aysan ka marnayn muran iyo isqabqabsi, haddana kuma sii jirto marka la gaaro xilliga kalaguurka. Si la mid ah baarlamaannadii hore, Baarlamaanka 11aad ee Jamhuriyadda Federalkaah ee Soomaaliya, oo ay waqtigiisu ka harsan tahay wax ka yar laba bilood, ayaa dhex heehaabaya mawjado siyaasadeed oo aad u culus iyo rabshado sababay in la ganaaxo badi xildhibaannadii mucaaradka ahaa.

Maxaa la isu Qabsadaa Dhammaadka Muddaxileedka: ma ‘Dan Soomaaliyeed mise ‘Dibudoorasho?

Waxa la isku hayo ma ahan dan Soomaalieed ee waa dibudoorasho, waxa is-hayana waa muxaafad iyo mucaarad ee xildhibaanno isma hayaan. Arrintaas waxaa caddayn u ah seddaxda sano ee hore xildhibaannada waa wada muxaafad, waxa ayna quuddareeyaan jagooyin kale sida wasiir, wasiir-ku-xigeen, lataliye iwm. Marka rejadaas soo dhammaato ee sannadka ugu danbeeyo la gaaro inta wax ka heshay nidaamkaas mooyee inta kale ee quusatay ayaa noqda mucaarad, waxa ayna la saftaan madaxda dawladgoboleedyada mucaaradka ah, si ay kursiga xildhibaannimo mar kale u helaan. Garaad Wiilwaal ayaa laga hayaa oraahdii caanka ahayd ee “saca Naasa-adag iyo weedha maxaa kulmiyay?” Hadda maxaa kulmiya buuqa siyaasadeed ee golaha iyo dhammaadka muddo xileedka? Xildhibaanka muxaafadka ah waxa uu rumaysan yahay in hoggaanka talada haya ay siin karaan kursiga, sidaas oo kale kan mucaaradka ahna kursigiisu uu ku heli karo kaliya mucaaradnimo. Musharrixiinta madaxweyne waxa ay aaminsanyihiin inta xildhibaan ay soosaartaan ee ku xirantahay rejadooda madaxnimo. Waana sababta ay galaangal badan ugu yeeshan doorashada xildhibaannada. Ma jirto aragti kale oo kursiga dhaafsiisan iyo dib u doorasho.

Yaa Bixiya Kursiga?

Xildhibaannadu waxa ay baarlamaanka labadiisa aqal ku metelaan shacabka Soomaaliyeed, kuraastana waxaa iska leh beelo, waa sida nidaamka dawladnimadeennu yahay. Kursiga haddii ay bixiso beesha, maxaa keenaya in ay u doontaan madaxda dawladda federaalka ah, dawladgoboleedyada, iyo xubnaha mucaaradka ah oo aysan beesha uga doonan? Maxaase dhici lahaa haddii kursiga shacabka bixin lahaa, xildhibaannadana ka shaqayn lahaayeen danaha shacabka, sida haddaba ay uga shaqeeyaan danaha madaxda soo siisay. Xildhibaanka afar sano oo uu xor yahay, si sharaf iyo karaamana ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa ma waxaa kala qiimo badnaatay ihaano, gumayn i iyo sharafdhac in uu ku dhammaysto afartaas sano, si uu afar kale u helo?

Doorasho mise Xulasho?

Marka loo fiiriyo waxa dhacay iyo hannaankii ay kubsoo baxeen xildhibaannada, su’aasha meesha taagan ayaa ah ma loogu yeeri karaa doorasho? Doorashada marka ay si caddaalad ah u dhacdo waa mid xor iyo xalaal ah, markii labo musharrax midkood loo eexdo, ama uu laaluush siiyo codbixiyaaasha waa doorasho musuqmaasuq ah, balse maxaa loogu yeeraa doorasho hal musharrax uu u tartamayo? Waxyaabahaas oo la isu geeyay ayaa loo cuskan karaa in aan la oran karin doorasho oo ay kaga habboon tahay xulasho. Xulidda naf ahaanteeda waxaa xaq u leh beesha kursiga leh. Haddii ay u garato qof iyaga ka mid ah wanaag iyo waxqabadna ku tuhmayaan waa ay wanaagsanaan lahayd, balse marka uu ku soo xulo hoggaamiye maamulgoboleed, ama madaxweyne federaal ah, waxaa ka dhasha waxa maanta taagan oo ah, “qodobkaas ansixi, maalin heblaayo firinbi soo qaado, rabshad samee iwm”.

Musuqa Xarkaha Goostay

Siyaasiyiintu waa ganacsato oo kale, meel aysan lacagtooda uga soo noqonaynna, badanaa, kuma maalgashadaan. Kursi xildhibaan in milyan doolar lagu bixiyo maxaa ku qasbi kara, annaga oo og in lacagtaas afarta sano ee uu kursiga ku fadhiyo uusan mushaar ahaan u heli karin? Arrintaas waa uun labo midkood: Tan kowaad waa in lacagtaas iyo ka badan uu laaluush ahaan u heli doono dhawr bil kadib, marka la gaaro doorashada madaxtinimo. Tan labaad waa in ganacsato ay ka bixisay halkaas malyan, marka uu kursiga fadhiistana uu difaac adag u noqon doono, si ay u baalmaraan sharciga isaga oo adeesanayana magaca xasaanad.

Doorasho Hufan

Sidee faragelinta dawladda dhexe iyo dawladgoboleedyada meesha looga saari karaa, si loo helo xildhibaanno tayo leh? Doorasho xor ah waxaa qaban kara guddi madaxbannaan oo aan magaca “guddiga madaxa bannaan” uun wadan; maamulka meeshana loo daayo sugidda amniga iyo fududaynta doorashada. Musharrixiin badan ayaa loo diiday in ay ka degaan garoomada magaalooyinka dalka si ay doorashada uga qeybgalaan. Marka ay arrimaha noocaas ahi dhacaan waa in guddi kaalintiisa qaadan kara, musharraxa u doodi kara imaanshihiisa ku xira doorashada.

Sidoo kale, tayada xildhibaannada waxaa qeyb ballaaran ka qaadan kara shuruudaha doorashada lagu xiro. Waa in laga tashadaa xildhibaan noocee ah ayay dadka iyo dalka Soomaaliyeeed u baahanyihiin? Shuruudahaas waxaa ugu muhiimsan waxbarasho, khibradshaqo iyo sumcad wanaag. Sidoo kalana, si sax loo dhaqangeliyaa shuruudaha, meeshana laga saara erayga “ama wax u dhigma”. Ereygaas waxa uu fursad siinayaa kuwa ku guuldarraystay in ay buuxiyaan shuruudahaas, waana halka ay sarta ka qurunsan tahay.

Ciise Cabdi

Qore daraaseeya culuunta dhaqaalaha, waxna ka qora dhaqanka, dhaqaalaha, iyo dawladnimda, si gaar ah dhisidda hay'ado dawladeed oo daahfuran, kana hufan eex, musuq iyo caddaaladdarro.