U bood dhigaalka

WAA KUMA HOGGAAMIYAHA CUSUB EE IRAN MOJTABA KHAMENEI?

​Dalka Iran wuxuu galay bog cusub oo ka mid ah taariikhdiisa casriga ah, ka dib markii uu hoggaanka dalka si rasmi ah ula wareegay Mojtaba Khamenei, isagoo beddelay aabbihiis Ayatollah Ali Khamenei oo la dilay toddobaadkii la soo dhaafay.

Isbeddelkan weyn ee ku yimid talada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa dhalisay hadal-hayn caalami ah, maadaama uu Mojtaba hadda fadhiyo kursiga go’aanka ugu dambeeya ee dalkaas, isagoo noqonaya hoggaamiyihii saddexaad ee dalku yeesho tan iyo kacankii 1979-kii.

​Mojtaba Khamenei, oo dhashay sannadkii 1969 isagoo ku dhashay magaalada barakaysan ee Mashhad, ma ahan weji ku cusub loolanka awoodda ee Iran. In kasta oo uu muddo dheer ka shaqaynayay daah-gadaashiisa, haddana dilka naxdinta leh ee aabbihiis ayaa qasab ka dhigay inuu masraha soo istaago si uu u badbaadiyo nidaamka.

Mojtaba waa wadaad aqoon durugsan u leh culuumta diinta ee magaalada Qom, balse waxa uu ku xoog badnaa dhanka maamulka xafiiska aabbihiis iyo isku xirka laamaha amniga ee ugu awoodda badan dalka.

​Hoggaamiyahan cusub waxa uu garab xooggan ka helayaa Ciidanka Ilaalada Kacanka (IRGC), kuwaas oo u arka Mojtaba inuu yahay qofka kaliya ee xajin kara mabaadi’da adag ee kacanka, isla markaana ka aargoosan kara gacantii ka dambaysay dilkii aabbihiis.

Khibraddiisa muddada dheer ee uu ku dhex jiray xafiiska “Beit-e Rahbari” ayaa u saamaxday inuu si degdeg ah u hantiyo kalsoonida Golaha Khubarada, kuwaas oo si degdeg ah u ansixiyay hoggaamintiisa si looga baaqsado firaaq dhanka awoodda ah iyo qalalaaso ka dhasha dilkii Ali Khamenei.

​La wareegidda xilka ee Mojtaba Khamenei waxay soo afjartay loolankii muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jiray madaxda sare ee dalka, waxayna Iran u horseeday nidaam cusub oo u muuqda mid dhaxal ah, in kasta oo ay duruufaha amnigu ku khasbeen.

Caalamka ayaa hadda indha-dheer ku eegaya sida uu hoggaamiyahan cusub u maareyn doono xiisadaha ka dhalatay dilka aabbihiis iyo mustaqbalka xiriirka Iran ay la leedahay quwadaha waaweyn iyo dalalka gobolka.