U bood dhigaalka

Dastuurka: Maqaamka Cusub ee Caasimadda iyo Gobolka Banaadir

Marka la dhuuxo cutubyada cusub ee la ansixiyay, waxaa muuqata in Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u gudubtay weji cusub oo xagga maamulka iyo matalaadda ah.

Sida ku cad Qodobka 63-aad, Maamulka Caasimaddu wuxuu hadda yeelanayaa qaab-dhismeed dawladnimo oo dhammaystiran, kaas oo ka kooban Gole Caasimad, Gole Fulin, iyo nidaam Garsoor oo u gaar ah.

Isbeddelka ugu weyn ee dastuurku xaqiijinayo waa in Golaha Caasimadda laga soo dooranayo degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dadka deegaanku ay markii ugu horraysay helayaan fursad ay ku doortaan ciddii dooran laheyd Maayarka caasimadda, halka Xidlhibaanada golaha deegaanka ay dooranayaan gudoomiyaha degmada.

Tani waxay horseedaysaa in Duqa Caasimadda iyo ku-xigeennadiisaba ay ka dhex dhashaan oo ay doortaan Golaha Caasimadda, taas oo meesha ka saaraysa nidaamkii hore ee magacaabista tooska ahayd.

Dhinaca kale, dastuurka cusub wuxuu siiyay Gobolka Banaadir xuquuq siyaasadeed oo la mid ah gobollada kale ee dalka, isagoo xaqiijiyay inuu yeelanayo xildhibaanno ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inkasta oo caasimaddu yeelanayso madax-bannaani maamul oo baahsan, haddana qoraalka ku xusan faqradaha 5-aad iyo 6-aad wuxuu caddeynayaa in Dawladda Federaalku ay weli mas’uul ka tahay arrimaha amniga iyo siyaasadda guud ee caasimadda.

Si xiriirkaas loo xoojiyo, Dawladda Federaalku waxay magacaabaysaa mas’uul sare oo wakiil uga ah waajibaadkeeda ku aaddan caasimadda iyo gobolka, iyadoo Baarlamaanka labadiisa aqalna laga sugayo inay soo saaraan xeerar gaar ah oo nidaaminaya wada-shaqaynta, xilka, iyo waajibaadka ka dhaxeeya Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka Banaadir.