U bood dhigaalka

JENERAAL DAA’UUD: NASHQADEEYIHII CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA

Hordhac Kooban

Sooyaalka ummad kasta waxay leedahay shakhsiyaad calaamad u ah isbeddellada waaweyn ee dhacay. Soomaaliya, marka laga hadlayo dhismaha hay’adaha dawladnimada, gaar ahaan difaaca iyo amniga, magaca koowaad ee maskaxda ku soo degdegaya waa Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi. Ma ahayn oo kaliya sarkaal xiddigo iyo darajo xirtay, balse waxa uu ahaa naqshadeeyihii, macallinkii, iyo aabbihii u hibeeyay noloshiisa sidii ay Soomaaliya u yeelan lahayd gaashaan bir ah oo aan la loodin karin.

Jeneraal Daa’uud wuxuu lahaa shakhsiyad kulansatay anshaxii millatari ee ugu sarreeyay iyo dabacsanaantii hoggaamineed ee ugu sarraysay. Xilli ay ummadda Soomaaliyeed ka soo kabanaysay boogaha gumaysiga, isagu wuxuu dhabarka u ritay mas’uuliyad ka weyn dhisidda ciidan kaliya; wuxuu dhisay is-aaminaadqaran, isagoo askari walba baray in dalku ka sarreeyo qabiilka, calankuna uu yahay astaan ka weyn dan kasta oo gaar ah.

Warbixintan waxay daah-fur u tahay safarkii dahabiga ahaa ee Jeneraalka, laga soo billaabo yaraantiisii ku dhex barbaartay dhibaatada gumaysiga illaa uu ka noqday Taliyaha Guud ee ugu horreeyey ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Waa sheeko ku saabsan geesinimo, daacadnimo, iyo dhaxal aan gaboobayn oo illaa maanta ku dhex nool dhiigga askari kasta oo Soomaaliyeed.

Barbaarintii iyo Seeska Noloshiisa.

Daa’uud Cabdulle Xirsi wuxuu ku dhashay deegaanka qadiimiga ah ee Mareeg ee hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud sannadkii 1924. Mareeg xilligaas waxay ahayd marjac diimeed, halkaas oo uu ku xafiday Qur’aanka Kariimka ah, kuna soo dhuuxay anshaxa iyo samirka nolosha reer miyiga. Barbaarintiisii hore waxay ahayd mid ku dhisnayd adkaysi, taas oo u diyaarisay inuu u babac-dhigo caqabadaha horyaal askariga Soomaaliyeed. In kasta oo xilligaas aan la diwaangelin jirin bilaha dhalashada, haddana sannadkaas wuxuu ahaa kii uu ifka u soo baxay halyeey markii dambe u kici doona difaaca calan aan weli dhalan.

Dabayaaqadii 1930-yadii, Jeneraalku wuxuu u soo wareegay degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka billaabay shaqadiisii ugu horraysay. Wuxuu maammulkii degmada uga qornaa kaaliye maamul iyo turjubaan, isagoo ka qayb qaadan jiray nidaaminta socotada iyo xallinta khilaafaadka beelaha. Shaqadan waxay u furtay albaabka ciidanka, isagoo markii dambe ku biiray ciidankii Zaptié (Ciidan isugu jira Boolis iyo Milatary). Buulobarde waxay u ahayd dugsigii uu ku bartay anshaxa iyo nidaamka askarinimo, halkaas oo uu ka noqday barbaar firfircoon oo si degdeg ah u fahma xeerarka maamulka gumaysiga ee markaas jiray.

Intii uu Jeneraal Daa’uud ku sugnaa Buulobarde, wuxuu si toos ah u hoostagayay maamulihii degmada oo xilligaas loogu yeeri jiray “Residente“, magaciisuna ahaa Enrico Canotto. Masuulkaas oo ahaa sarkaal Talyaani ah oo matalayay maamulkii gumaysiga, ayaa ahaa qofka uu Jeneraalku ka heli jiray amarrada shaqada. Waxaa la sheegaa in sarkaalkaas uu aad u la yaabay garaadka iyo kartida Daa’uud, maadaama uu ahaa barbaar Soomaaliyeed oo si dhakhso ah u bartay luuqadda Talyaaniga, haddana lahaa nidaam maamul oo aad u sarreeya. Xiriirkan wuxuu Jeneraalka u saamaxay inuu noqdo mid ka dhex muuqda saraakiishii kale ee Soomaaliyeed ee xilligaas la tababarayay.

Bishii Febraayo 1941, markii ciidamada Ingiriisku ay qabsadeen Koonfurta Soomaaliya, Jeneraal Daa’uud wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho. Wuxuu durbadiiba shaqo ka helay maamulkii cusbaa ee Ingiriiska (British Military Administration). Shaqadiisu waxay ahayd sugidda amniga caasimadda iyo ka qaybqaadashada dhismaha ciidanka booliska. Wuxuu noqday mid kamid ah dhalinyaradii ugu horraysay ee loo xilsaaray in ay xiriiriyaan maamulka cusub iyo dadweynaha magaalada, isagoo muujiyay waddaniyad iyo karti ay dadku ku wada kalsoonaadeen. Wareegitaankan wuxuu ahaa kii u saamaxay inuu markii dambe noqdo sarkaalkii ugu sarreeyay ee dhisa Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed.

Asaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (SNA) wuxuu ahaa qorshe istiraatiiji ah oo ay dawladdii maxmiyada ahayd go’aansatay inay hirgeliso kahor intaan xornimada la gaarin. Intii u dhexaysay bilihii Janaayo iyo Maarso ee sannadkii 1960, Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi iyo saraakiil kooban ayaa loo xilsaaray inay habeeyaan cutubyadii kala duwanaa ee ka jiray dalka. Waxay ahayd xilli ay adkayd in la mideeyo ciidan ka yimid laba nidaam oo kala fog (Talyaaniga iyo Ingiriiska), balse Jeneraalku wuxuu dhisay guddi farsamo oo ka shaqeeya midaynta tababarrada iyo xeerarka millatari ee dalka uu yeelan doono.

Maalin Talaado ah oo ku beegnayd 12-ka Abriil, sannadkii 1960, ayaa si sharci ah loogu dhawaaqay dhalashada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Isla maalintaas, dawladdu waxay soo saartay wareegto Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi loogu magacaabayo Taliyaha Guud ee ugu horreeyay ciidanka xoogga dalka. Magacaabistani waxay dhacday labo bilood iyo bar kahor maalintii madax-bannaanida, iyadoo ujeedadu ahayd in dalku yeesho cudud difaac oo diyaar ah marka calanka la saaro 1-da Luuliyo 1960. Maalintan waxay noqotay mid taariikhi ah oo sannad kasta loo dabbaal-dego guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Kadib markii ay midoobeen gobollada Woqooyi iyo Koonfur bishii Luulyo 1960, Jeneraal Daa’uud wuxuu wajahay hawshii ugu cuslayd oo ahayd midaynta ciidankii ka yimid labada dhinac. Intii u dhexaysay Luulyo illaa Diseembar 1960, Jeneraalku wuxuu isku daray ciidankii “Somaliland Scouts” iyo kuwii “Corpo di Polizia della Somalia“. Wuxuu meesha ka saaray caqabadii luuqadda ee u dhexaysay Ingiriisiga iyo Talyaaniga, isagoo xoogga saaray in millatarigu ku hadlo hal af oo ah Soomaali, laguna dhex saaxiibo xeryaha ciidanka. Tani waxay dhashay in muddo kooban gudaheed ay SNA noqoto hay’adda ugu midnimada badan dalka xilligaas.

Sannadihii xigay ee 1961 illaa 1963, Jeneraal Daa’uud wuxuu xoogga saaray in ciidanku uu ka baxo gacanta quwadihii gumaysiga ee reer Galbeedka. Bishii Oktoobar 1963, wuxuu hoggaamiyay wafdi heer sare ah oo tegay dalka Ruushka (Soviet Union) si loo helo tababbaro iyo hub casri ah. Heshiiskaas wuxuu suuragaliyay in Ciidanka Xoogga Dalka uu muddo gaaban ku noqdo midka ugu awoodda badan geeska Afrika, isagoo helay taangiyo, diyaarado iyo hubka darandoorriga u dhaca. Dhismahaan adag ee uu Jeneraal Daa’uud seeska u dhigay ayaa ahaa midka dambe ee Soomaaliya u saamaxay inay difaacato xuduudaheeda dagaalkii Febraayo 1964.

Dagaalkii 1964 iyo Imtixaankii Geesinimada.

Bishii Janaayo ee sannadkii 1964, xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaartay meeshii ugu sarraysay. Kadib markii ay Itoobiya billowday inay dhaqdhaqaaq ciidan ka samayso xudduudda, gaar ahaan aagga xuduud-beenaadka, Jeneraal Daa’uud wuxuu durbadiiba amar ku bixiyay in ciidanka la geliyo xaalad diyaar-garow oo heerkeedu sarreeyo. Wuxuu aaminsanaa in difaaca dalku uusan ahayn hadal kaliya, balse uu u baahan yahay ficil millatari oo midaysan.

Dagaalku wuxuu si rasmi ah u qarxay horraantii bishii Febraayo 1964, markii ay ciidamada Itoobiya weerar xooggan ku soo qaadeen baraha kontoroolka ee xudduudda, gaar ahaan aagga Tog-wajaale iyo xuduudaha gobollada dhexe. Wuxuu ahaa dagaal aan loo sinnayn dhanka tirada iyo qalabka, maadaama ciidanka Itoobiya ay haysteen taageero farsamo iyo diyaarado dagaal oo ay xilligaas ka heleen quwadaha shisheeye, halka SNA ay weli ku jirtay xaalad dhismo.

Jeneraal Daa’uud Cabdulle ma ahayn taliye xafiis fariista xilliga adag. Markii uu dagaalku billawday, wuxuu u guuray jiidda hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo askarta dhalinyarada ah ee markii u horraysay xabbad maqlayay. Joogitaankiisa goobta dagaalka waxay dhalisay mooraal aad u sarreeya; askarta waxay u arkayeen taliyahooda inuu yahay geesi diyaar u ah inuu u dhinto dalkiisa, taas oo meesha ka saartay cabsida laga qabay xoogga tirada badan ee Itoobiya.

In kasta oo ciidanka Soomaaliya ay ka yaraayeen kuwa Itoobiya, Jeneraal Daa’uud wuxuu adeegsaday xeeladda “Difaaca Firfircoon”. Halkii uu hal meel ku sugi lahaa, wuxuu amray in ciidanku ay sameeyaan weeraro gaadmo ah iyo mid is-difaac ah oo aan joogto ahayn. Xeeladdan waxay ku qasbi jirtay ciidanka Itoobiya inay ku ururaan baro go’an, taas oo SNA u oggolaatay inay dhabarka ka weeraraan cutubyadii saadka ee Itoobiya.

Mid kamid ah caqabadaha ugu waaweynaa waxay ahayd awoodda hawada ee Itoobiya. Jeneraal Daa’uud wuxuu amray in ciidamada lugta ay bartaan sida loo adeegsado hubka lidka diyaaradaha ee gacanta lagu qaado (Anti-aircraft guns) ee ay markaas haysteen. 

Waxaa taariikhda lagu xusay in ciidankii curdunka ahaa ay ku guulaysteen inay soo ridaan qaar kamid ah diyaaradihii dagaalka ee Itoobiya, taas oo noqotay lama-filaan weyn oo ka yaabiyay saraakiishii Itoobiya.

Dagaalkii 1964 wuxuu ahaa markii ugu horraysay ee ay wada dagaallamaan saraakiishii ka timid nidaamka Ingiriiska (Waqooyi) iyo kuwii Talyaaniga (Koonfur). Jeneraal Daa’uud wuxuu ahaa xabagta isku haysay labadaas dhinac. Wuxuu u qaybiyay mas’uuliyadaha si caddaalad ah; saraakiishii Waqooyiga oo khibrad u lahaa nidaamka “Scouts” ayaa loo diray meelaha dhagaxyada ah iyo dhulka buuraleyda ah, halka kuwii Koonfurta loo diray aagga fidsan ee Webiyada, isagoo ku salaynayay aqoonta deegaanka.

Intii uu dagaalku socday, Jeneraal Daa’uud wuxuu si joogto ah ula xiriiray madaxdii dawladda si uu u siiyo warbixino dhab ah oo ku saabsan xaaladda furinta. Wuxuu ku adkeeyey xukuumaddii xilligaas jirtay inaan gorgortan laga gelin madax-bannaanida iyo dhulka Soomaaliyeed. Adkaantiisa dhinaca milatariga waxay si weyn u caawisay diblomaasiyiintii Soomaaliyeed ee xilligaas ka doodayay ururka OAU (hadda loo yaqaan AU) si ay u helaan garawshiyo caalami ah.

Dagaalkan wuxuu SNA u beddelay “Ciidanka Qaranka”. Askartii horay ugu kala tirsanaan jirtay qabaa’ilka kala duwan waxay markii u horraysay dareemeen inay yihiin hal jidh. Jeneraal Daa’uud wuxuu xabsiga u diray ama shaqada ka eryey askari kasta oo isku dayay inuu qabyaalad keeno goobta dagaalka. Taas waxay dhalisay in askarigu uu u dhinto calanka, isagoo og inuu taliyihiisu garab taagan yahay.

Kadib markii ay Itoobiya dareentay inaysan si dhib yar ku dhex mari karin ciidanka Soomaaliyeed, waxaa billowday dhexdhexaadin caalami ah oo uu hormuud ka ahaa madaxweynihii Suudaan ee xilligaas, Ibraahim Cabbuud. Bishii Maarso 1964, waxaa Khartoum lagu saxiixay heshiis xabbad-joojin ah. In kasta oo dagaalku istaagay, haddana Jeneraal Daa’uud wuxuu ku guulaystay inuu adkeeyo difaaca xudduudda, isagoo diiday in hal taako oo dhul Soomaaliyeed ah laga qaado.

Dagaalkii 1964 wuxuu ahaa kii beddelay mustaqbalka SNA. Jeneraal Daa’uud wuxuu ogaaday in si dalku u badbaado, loona tartamo quwadaha gobolka, loo baahan yahay hub ka culus kii xilligaas la haystay. Taas ayaa keentay in sanadkii 1964-tii dhamaadkiisii uu xoojiyo xiriirka Midowga Soofiyeeti, kaas oo keenay inay dhasho cududdii ugu xoogganayd ee Soomaaliya yeelato todobaatankii. Guushii 1964 waxay SNA u diwaangelisay inay tahay ciidan aan sahal loogaadkaan karin.

Falsafaddii iyo waxqabadyadii Jeneraal Daa’uud.

Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi ma ahayn oo kaliya taliye millatari, balse wuxuu ahaa aqoon-yahan rumaysan in xoogga muruqu uusan waxba tarayn haddii uusan weheliyin xoogga maskaxda. Intii u dhexaysay Janaayo ilaa Luuliyo 1960, xilli dalku u diyaar garoobayay madax-bannaanida, wuxuu xaqiiqsaday in dunidu u guurayso dagaal ku dhisnaan doona farsamo, sidaas darteedna askariga Soomaaliyeed looga baahan yahay inuu la jaanqaado isbeddelladaas. Aragtidiisu waxay ahayd in “ciidan aan aqoon lahayn uu yahay ciidan aan mustaqbal lahayn,” taas oo dhalisay inuu isla sanadkaas 1960-kii mudnaanta koowaad siiyo dhismaha aqoonta millatariga ee ciidanka curdunka ah. Isaga oo ka duulaya aragtidaas, wuxuu bilaabay mashaariic waaweyn oo dhanka waxbarashada ah, isagoo seeska u dhigay hay’ado waxbarasho oo markii dambe soo saaray saraakiil ku caan baxay xeeladaha dagaalka iyo maamulka ciidamada ee casriga ah.

Si loo helo askari anshax leh, Jeneraal Daa’uud wuxuu aasaasay dugsiyadii ugu horreeyay ee tababbarka ciidanka dalka dhexdiisa, isaga oo la kaashanaya madaxda qaranka ee uu ugu horreeyo madaxwayne Aadan Cade. Dugsiyada waxaa kamid ahaa:

• Dugsiga Tababbarka Ciidanka ee Booteey-Hiilweyne (Luulyo1960): Kani wuxuu ahaa dugsigii ugu horreeyay ee tababbarka askarta cusub, kaas oo ku yaallay duleedka Muqdisho. Wuxuu billaabay hawlgalkiisa bartamihii 1960.

• Dugsiga Tababbarka Saraakiisha ee Damaanyo (Febraayo1961): Wuxuu ahaa dugsigii lagu carbin jiray saraakiisha (Officer Cadet School). Jeneraalku wuxuu dhismahan casriyeeyay billowga sannadkii 1961, si looga kaaftoomo in dibadda loo aado tababbarka aasaasiga ah.

• Akadeemiyada Millatariga ee Muqdisho (Maajo1962): In kasta oo markii dambe loo bixiyay Kulliyadda Jaalle Siyaad, seeska dhismaha iyo qorshaynta akadeemiyada heerka jaamacadeed waxaa la bilaabay xilligii Jeneraal Daa’uud si loo helo aqoon milatary oo heersare ah.

Dugsiyadani wuxuu ka dhigay kuwo leh manhaj heer caalami ah oo la tartami kara dugsiyada dunida. Sannadkii 1961, wuxuu xoogga saaray in sarkaalka Soomaaliyeed uu ahaado mid fahmi kara qalabka casriga ah, isagoo dalka keenay macallimiin ajaanib ah oo khibrad dheer u leh culuumta dagaalka, gaar ahaan kuwa ka socday Midowga Soofiyeeti oo xilligaas hormuud u ahaa farsamada millatariga. Inkasta oo macallimiintu ahaayeen ajaanib, Jeneraal Daa’uud wuxuu mar walba ilaalin jiray in “Caqliga Hoggaamintu” uu ahaado mid Soomaaliyeed, isagoo hubin jiray in tababbarku uusan noqon mid lagu koobiyo dhaqan shisheeye, balse uu noqdo mid u adeegaya danta qaran iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Marka laga tago dugsiyada uu furay jenaraalku, waxaa kale oo kamida waxqabadyadiisa mashaariico horumarineed oo la qabtay xilligiisii. Jeneraal Daa’uud wuxuu rabay in askarigu uusan dawladda culays ku noqon. Mashaariicdii uu magacaabay waxaa ka mid ahaa:

• Warshadda Kabaha iyo Dharka Ciidanka (1962/63): Wuxuu bilaabay qorshaha Warshadda Kabaha, si ciidanku u yeesho darees iyo kaba u gaar ah oo dalka dhexdiisa lagu farsameeyo.

• Mashruuca Beeraha Ciidanka (1963): Wuxuu dhisay cutubyo ka tirsan ciidanka oo shaqadoodu tahay wax-soo-saarka beeraha si raashinka ciidanka qayb kamid ah looga soo saaro gudaha dalka.

• Xarumaha Isgaarsiinta SNA (1962): Wuxuu Muqdisho ka dhisay xaruntii weynayd ee isgaarsiinta raadiyaha (Signal Corps Headquarters), taas oo suurtagalisay in taliyuhu uu la hadlo cutubyada jooga xudduudaha Fog.

Mashruucyada kale ee la qabtay xilligii jenaraalku waxaa kamid ahaa mashaariicda Isboortiga iyo Bulshada. Jeneraal Daa’uud wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyey dhalashada kooxihii isboortiga ee ciidamada:

• Kooxda Horseed (1961): Isaga ayaa dhiirrigeliyay aasaaska kooxda Horseed si ciidanku u yeesho cudud isboorti oo dalka matasha, taas oo markii dambe noqotay kooxda ugu guulaha badan Soomaaliya.

• Cisbitaalka Milatariga ee Xoogga (1963): Wuxuu billaabay mashruuca dhismaha cisbitaal u gaar ah ciidanka iyo qoysaskooda, kaas oo markii dambe noqday Cisbitaalka Xoogga ee dalka.

Jeneraalka waxaa kale oo uu iskudayay dhismaha cududda hawada iyo badda. In kasta oo SNA ay u badnayd ciidan lug, Jeneraalku wuxuu dhisay:

• Aasaaska Ciidanka Cirka (April 1960): Isla bishii la aasaasay SNA, wuxuu magacaabay qaybtii u horraysay ee Ciidanka Cirka, isagoo markii dambe 1962 dalka keenay diyaaradihii ugu horreeyay ee nooca tababbarka iyo kuwa dagaalka (MiG-15/17).

• Dhismaha Saldhigga Ballidoogle (1963): Isagoo garabsanaya injineerada Midowga Soofiyeeti, wuxuu billaabay daraasadda iyo seeska saldhigga cirka ee Ballidoogle, si uu u noqdo difaaca istiraatiijiga ah ee dalka.

Mid kamid ah tallaabooyinkii ugu geesisanaa ee uu qaaday Jeneraal Daa’uud waxay ahayd inuu boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah u diro dalalka Ruushka, Talyaaniga, iyo Masar. Wejigii u horreeyay ee deeqahan ayaa si ballaaran u bilowday Sebtembar 1961, markii dufcaddii u horraysay ee duuliyeyaal mustaqbalka ah loo diray dibadda. Aragtidiisu ma ahayn oo kaliya in la soo barto sida qoriga loo rido, balse wuxuu dhalinyaradaas u diray inay soo bartaan culuumta adag sida duulista diyaaradaha, farsamada taangiyada, iyo hubka culus. Heshiiskii weynaa ee uu la saxiixday Midowga Soofiyeeti bishii Oktoobar 1963 ayaa fure u noqday in Soomaaliya ay markii ugu horraysay taariikhdeeda yeelato saraakiil u tababbaran heer caalami, kuwaas oo markii dambe noqday jiilkii laf-dhabarta u ahaa awoodda weyn ee ay Soomaaliya ka dhisatay geeska Afrika sannadihii 70-yadii.

Dhaxalka ugu weyn ee Jeneraal Daa’uud uu kaga tagay ciidanka ma ahayn oo kaliya qalabka, balse wuxuu ahaa jiilkii aqoon-yahannada millatari ee uu soo saaray kahor geeridiisii. Saraakiishii uu u diray Ruushka iyo Talyaaniga waxay dalka dib ugu soo celiyeen nidaam maamul oo dhisay anshaxa ciidanka. In kasta oo geeridiisu timid dhammaadka 1965, haddana ababintii uu bilaabay waxay keentay in Soomaaliya lagu naanaysi jiray “Libaaxa Afrika” dhanka millatariga todobaatankii. Maanta, marka laga hadlayo taariikhda SNA, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa taliyihii dunida u tusay in Soomaalidu aysan ahayn dad dagaal oo kaliya yaqaan, balse ay yihiin aqoon-yahanno millatarioo fahmi kara farsamo kasta oo casri ah.

Geeridii iyo Saamaynteeda.

Geeridii Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi waxay ahayd naxdin weyn oo ruxday guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo calanka dalka loo dejiyaymuddo isbuuc ah. Bishii Sebtembar 1965, isagoo ku jira safar caafimaad iyo mid shaqo oo uu ku joogay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayuu si kedis ah ugu geeriyooday mid kamid ah cisbitaallada halkaas ku yaallay 29 Sebtembar. Geeridiisa waxaa sababay xanuun dhanka beerka ah oo muddo kooban hayay, balse saamaynta warkaas wuxuu ahaa mid si weyn looga dareemay Muqdisho iyo dhammaan xeryaha ciidanka, maadaama uu ahaa hoggaamiye ay askartu u arkayeen aabbe iyo macallin intaba.

Meydka Jeneraalka waxaa laga soo dejiyay gegidadiyaaradaha ee Muqdisho 7 Oktoobar 1965, waxaana loo sameeyay aaskii ugu weynaa ee abid sarkaal loogu sameeyo taariikhda Soomaaliya. Meydka waxaa lagu soo qaaday gaari gaashaaman, waxaana la dhex mariyay waddooyinka waaweyn ee caasimadda iyadoo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan dhammaan qaybaha Ciidanka Xoogga Dalka. Kumanaan shacab ah oo ilmaynaya ayaa safnaa hareeraha waddooyinka si ay u sagootiyaan ninkii seeska u dhigay cududda ay ku faanayaan, waxaana la geeyey xabaalaha Sheekh Suufioo ku yaalla agagaarka madaxtooyada Villa Somalia, halkaas oo si maamuus leh loogu aasay.

Aaska Jeneraal Daa’uud waxaa ka soo qayb-galay dhammaan madaxda sare ee qaranka iyo wufuud caalami ah, taas oo muujinaysay miisaanka uu ku lahaa gobolka. Waxaa hormuud u ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), iyo Ra’iisul Wasaare Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa dhammaan saraakiishii sarsare ee SNA, oo uu kamid ahaa ku-xigeenkiisii xilligaas, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, iyo xubno ka socday safaaradaha shisheeye gaar ahaan Ruushka iyo Talyaaniga. Khudbadihii goobta laga akhriyey ayaa lagu tilmaamay “Halyeey aan marnaba la illoobi doonin,” iyadoo madaxdu ballan-qaadeen inay sii wadi doonaan qorshihii uu u dejiyey ciidanka.

Si loo xuso halgankiisii iyo doorkii uu ku lahaa dhismaha qaranka, dawladda Soomaaliya waxay isla sanadkii 1965 iyo wixii ka dambeeyey billowday mashaariic waaweyn oo loogu magac-daray Jeneraalka. Waxaa magaciisa loo bixiyey Dugsiga Sare ee Jeneraal Daa’uud oo ku yaalla degmada Warta-Nabadda (Wardhiigley), kaas oo ilaa maanta ah mid kamid ah xarumaha waxbarasho ee ugu caansan dalka.Sidoo kale waddooyin dhowr ah oo ku yaalla caasimadda Muqdisho ayaa loogu magacdaray, si jiilka soo koraya ay had iyo goor u xusuustaan magaciisa.

Saamaynta geeridiisa waxay dhalisay isbeddel weyn oo dhanka hoggaanka SNA ah, balse waxay sidoo kale xoojisay midnimada ciidanka. Bishii Oktoobar 1965, muddo yar kadib aaskiisa, waxaa xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka si rasmi ah ula wareegay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, kaas oo ballan-qaaday inuu dhameystiri doono mashaariicdii aqooneed iyo kuwii hubaynta ee uu Jeneraal Daa’uud bilaabay. Geeridii Jeneraal Daa’uud waxay dalka ka dhigtay mid u midooba qadiyadda difaaca, waxaana la aasaasay “Maalinta Jeneraal Daa’uud 29 Sebtember”, si loo weyneeyo qofkii dhisay milatariga Soomaaliyeed ee xilligaas lagu tirin jiray kuwa ugu anshaxa iyo aqoonta badan qaaradda Afrika.

Aw Dacar

Saxafi wax ka qora arrimaha bulshada, amniga iyo dawladdhiska.