U bood dhigaalka

MILICSI: TOBANKA DHEXE EE DENBIDHAAFKA EE BISHA RAMADAAN

Sida aan wada ognahay bisha barakaysan ee Ramadaan waxa ay u kala qeybsan tahayilaa saddex qeybood oo qeyb kasta ay toban maalmood ka koobanyihiin, waa tobanka hore ee naxariista ah, tobanka dhexe ee denbidhaafka ah iyo tobanka danbe ee Ilaahay addoomadiisa uu naarta ka xoraynayo. Isla bishan gudaheeda ayaa intan maalmood oo kala fadliga badani ku jiraan, maalmo kastana wax bay la gaar yihiin oo waxa ay wataan ajirkooda iyo xasanaadkooda gaarka ah.

Fadliga ku jira Tobanka Maalmood ee Denbidhaafka:


Waxaa shalay inoo soo dhammaaday tobankii maalmood ee dhexe oo Eebbe addoomadiisa uu denbiyadii ay hore u galeen ka tirtirayay ama uu ka cafinayay. Waxay ahaayeen maalmo ay aadanuhu Eebbahooda ku weydiisteen denbidhaaf badan, kagana fogaadeen waxyaabihii ama gefafkii ay mararka qaar ku dhici jireen, waa xilli qalbigu u baahan yahay in uu ka soo kabsado raadadka ay ku reebeen khaladaadkii uu galay. Waxay ahaayeen toban maalmood oo ay dadka laabta wax iskugu hayay iswada saamaxeen ama ay iswada cafiyeen. Maadaama ay dadku rabaan in ay Ilaahay denbidhaaf weydiistaan, waxaa shardi ah in la isa saamaxo, labo qof oo caloosha cuqdad isugu haysa Ilaahay ma fiirinayo acmaashooda.

Tobankan maalmood waa kuwo ay jirkeenna iyo maskaxdeennu la soo qabsadeen joogtaynta cibaadooyinka sida, salaadaha waajibka ah, sunnooyinka, bixinta Sadaqada, ducooyinka iyo in aan badinnay istiqfaarta. Inta aan ku gudajirnay maalmahaan denbidhaafka ah waxaa innoo suurta galay ama soo samaynay sarajoogsi badan iyo Allabari, maadaama ay maalmo denbidhaaf ahaayeen. Waxaan kaloo aad u badinnay akhrinta Quraanka kariimka ah.

Maalmaha denbidhaafka ah waa kuwa inta badan aan Eebbe denbidhaaf ku weydiisanayno oo aan ka towbad keennay qaladaadkii horey innooga dhacay. Sida aan ognahay Ilaahay SWT waa mid Denbidhaafbadane ah, waxa uuna ugu jecayl yahay addoomadiisa kuwa qaldaadka gala haddana denbidhaafka weydiista.

Bulshada iyo siday ula Falgashay Tobanka Dhexe ee Bisha Ramadaan:

Dadka Soomaaliyeed waxa ay maalmaha dhexe ee Bisha Ramadaan ula falgaleen si diirran iyada oo ka muuqata in ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen maalmahaan dhexe ee denbidhaafka ah. inta ugu badan bulshada waxaa ka muuqata firfircooni badan iyo inay si diirran u danaynayaan maalmahan, sababtoo ah waxa ay la qabsadeen Ramadaankii iyo acmaashiisii wanwanaagsanayd, waxa ay sii joogtaynayaan in ay horey u sii wadaan acmaasha kheyriga ah ee ay hore u soo bilaabeen. Hadday noqon lahayd afurinta dadka danyarta ah, bixinta sadaqada, iyo in ay iswada cafiyaan dhammaan dadkii wax isku hayay. 

Maalmahan dhexe waxa ay, sidoo kale, bulshadu ka  wadashaqaynayaan arrimaha wanaagsan ee danta guud ah, sida in uusan qofi qof kale ku xadgudbin, inay wada ilaaliyaan bedqabka iyo amniga guud ee bulshada ka wada dhaxeeyo. Waxaa sidoo kale laga wada shaqaynayay wacyigelinta dadka, sida barnaamijadii maalmahaan ka socday baraha bulshada kuwaas oo loogu talogalay bisha Ramadaan in la soo gudbiyo, sida barnaamijka Daaci  oo dhallinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaala inta ugu badnayd ay soo gudbinaayeen waxyaabo wanaagsan oo ay dadka la wadaagayeen. 

Waxaa, sidoo kale, firfircooni badan ka muuqata Suuqyada Magaalada  oo dadka inta ugu badan ay ku gudajiraan isku diyaarinta maalmaha soo socda. Waxaa la isu diyaariyay maalmaha ama tobanka danbe ee bisha Ramadaan sidii ay dadka u samayn lahaayeen ama ay u gali lahaayeen ictikaafka iyo isku diyaarinta maalmaha uu eebbe adoomadiisa kaga xoraynayo naarta.

Waxa ay la gaarka yihiin 10ka dhexe:

Maalmahan dhexe ee bisha Ramadaan waxa ay la gaaryihiin:

  1. Denbidhaaf: Maalmahan waa kuwo ku astaysan denbidhaaf iyo saamaxaad uu Ilaahay addoomadiisa u fidinayo.
  2. Iscafin: Dadka bini-aadamka ah markasta waa adoomo oo waxaa laga yaabaa in ay si uun isku gaaraan. Maalmaahan, waa kuwii ay uga faa’ideysan lahaayeen is cafinta labada qof ee wax ka dhaxeeya.
  3. In la badiyo istiqfaarta. 
  4. Xoojinta xiriirka qaraabada kaala dhexeeya, iyo
  5. In la badiyo ducooyinka maadaama ay maalmo denbidhaaf yihiin.

Maryama A. Isaaq

Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.