U bood dhigaalka

Sicir Bararka Shidaalka ee Muqdisho iyo Saamaynta Darawalada Bajaajta

Maarso 10, 2026

​Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dilaacay korukac xooggan oo ku yimid qiimaha shidaalka, kaas oo gaaray $1.5 halkii liitar, halka dhowr maalmood ka hor uu joogay qiyaastii $0.65.

Sare u kacan oo lagu qiyaasay inuu ka badan yahay 80%, ayaa si toos ah u saameeyay nolosha iyo shaqada dhalinyarada ku tiirsan mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo ah halbowlaha gaadiidka ee caasimadda.

​Darawalada Bajaajta ayaa muujiyay walaac aad u weyn, maadaama dakhligii ay guriga u geyn jireen uu hadda ku dhamaanayo iibsashada shidaalka qaaliga ah.

Iyada oo ay jirto in qiimaha rakaabka uu weli sidiisii yahay ama ay adag tahay in kor loo qaado tartanka jira awgiis, qaar badan oo ka mid ah wadayaasha ayaa bilaabay inay shaqada joojinayaan halka kuwa kale ay sheegeen inay qarka u saaran yihiin inay quustaan maadaama kharashka shaqada uu ka badnaaday faa’iidada.

​Sababta ugu weyn ee isbeddelkan degdegga ah ayaa loola xiriirinayaa xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe iyo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, taas oo curyaamisay marinnada shidaalka ee caalamka. Maadaama Soomaaliya ay tahay dal dibadda ka soo dhoofsada shidaalka la sifeeyay, waxay si degdeg ah u dareentay gariirka suuqyada caalamiga ah.

​Dhibaatadan ma ahan mid ku kooban darawalada kaliya, balse waxay horseeday in dadka shacabka ah ee isticmaala Bajaajta ay wajahayaan culays dhanka socodka ah.

Haddii aan dowladdu soo dhexgalin si ay u xakamayso ganacsatada ama aysan jirin qorshe kabis ah, waxaa laga cabsi qabaa in sicir bararku ku fido maciishadda kale, maadaama gaadiidku yahay furaha dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada.