U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta dastuurka Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Gheyt, ayaa soo dhoweeyay ansixinta kama dambaysta ah ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqan-gelintiisa.

Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya, isla markaana xoojinaysa nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan dowladnimada, kala-soocidda awoodaha dowladda, ixtiraamka xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo ilaalinta midnimada dalka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in ansixinta dastuurka Soomaaliya ay ka tarjumayso dadaallo qaran oo joogto ah oo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, loona dhiso dowlad hufan oo taageerta horumarka iyo nabadda.

Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada iyo wada shaqeynta ay la leedahay dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka, loona taageero dimuqraadiyadda iyo midnimada Soomaaliya, taas oo ka qayb qaadanaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.